Duqa Muqdisho waa Xariif Xirfado Badan, Xittaa waa Darawal!

Waa badweyn xirfadaha Duqa Muqdisho, Engineernimada ka sakow wuxuu leeyahay dhawr xirfadood oo aan kala dhicin, mar waa cayaartoy cuslaaday, mar waa Hal-abuure wax curiya, mar kalana waa Darawel xariif ah oo Marka ay Xaajo xumaato Baabuurkiisa kaxeysan karo!

Waa dhawr cisho ka hor waxaa laygu casuumay meel ay Munaasabad ka dhacaysay, sidii balantu aheyd waxaan tagay goobtii laygu martiqaaday, aniga oo taagan barxadda Hotelkii ay xafladdu ka dhacaysay ayaa agtayda waxaan ka arkay Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka soo dagayo Baabuur uu gacantiisa ku kaxaysanayay!

Waa rumaysan waayay, la yaab ayay igu noqotay, indhaha ayaa tirtirtay, Eegmo dheer kadib waxaan xaqiiqsaday darawelka baabuurka waday inuu yahay Eng. Yariisoow, aniga oo is-weydiinaya xariifnimada Duqa Muqdisho ayaa mid gacan-yarayaashiisa ka mid ah waxa uu ila wadaagay inuu Duqu yahay Ruug-cadaa Baabuurkiisa ku wadan jiray magaalada London!

Waa igu cusbeyd Darawelnimada Duqa Muqdisho, waa soo dhaweynayaa xirfadda cusub ee aan ku bartay Guddoomiyha G/Banaadir.
#Nin_Adduunyo_Joogoow_Maxaa_Aragti_kuu_Laaban!

Shiikhaalow Xassan