DIABETES (macaanka ama sonkorowga). Qeybta 1aad

Macaanka/sonkorowgu waa khalkhal ku dhaca habka kiimikaad ee shaqada jidhka oo ay weheliso heerka sonkorta ( glucose level) oo aad u saraysa mudo badan, sida caadiga ah heerka sonkortu waa inuu u dhaxeeyo 80mg/dl ilaa 160mg/dl, wixii intaa ka badan xadiga sonkortu wuu sarreeyaa intaa wixii ka hooseeyana xadiga sonkortu wuu hooseeya.

Astaamaha lagu gartaana waxa ka mida:-

• kaadi fara badan.
• haraad joogta ah.
• gaajo badan.
Hadii aan la dawayn waxa ka dhalankara dhibaatooyin caafimaad sida:-

• wadna xanuun
• faalig (stroke)
• kalyaha oo shaqadoodu yaraada ama joojiya (chronic kidney disease)
• Nabaro / boog uu ku yeesho cagta ( diabetic foot ulcer)
• dhaawac soo gaadha araga.

Macaanka ama sonkorowga waxa keena laba arimood oo kala ah :-
 inaanu ganacu ( pancreas ) aannu soo saarayn ama uu yareeyo maadada insulin( oo ka caawisa jidhka inay unugyadiisu sonkorta isticmaallaan.
 in unugyada jidhku aanay ka faa”iidaysanayn maadada insulin, taasina keenaysa in xadiga sonkortu jidhka ku bato……………………………..

WAA QAYBTII LABAAD EE XANUUNKA SONKOROWGA AMA MACAANKA

waxa jira noocyo kala duwan oo sonkorowga/macaanka/diabeteska ah , waxaanay kala yihiin sadex nooc oo midkastaaba ka duwan yahay ka kale, xaga dhibaatada, sababta keenta, daawayntooda ama la tacaalidooduna way kala duwa tahay.
• Nooca koobaad oo loo yaqaano( TYPE ONE DIABETES).
• Nooca labaad oo loo yaqaano ( TYPE TWO DIABETES).
• Nooca sadexaad oo loo yaqaano( GESTATIONAL DIABETES) /ku dhaca Hooyada uurka leh.

NOOCA KOOBAAD (TYPE ONE DIABETES)

Waa xaallada uu jidhkaagu gaar ahaan GANACU (PANCREAS) aanu soo saarayn maadada INSULIN (oo ah maaddada ka caawisa jidhka inuu sonkorta isticmaallo). inta aanan sharaxin NOOCA koobaad waxa muhiim ah inaad barato sida maaddada insulin ay u shaqayso.
siday u shaqaysaa maaddadan INSULIN ee la’aanteed uu qofku la darsayo xaallada macaanka ama sonkorowga.
marka aad cunto, cuntooyinka laga hello tamarta sida ROOTIGA/ROODHIDA /, CANJEERADA, BARIISKA , BAASTADA , KEEGA I W M.

Cuntooyinkan badankooda dheefshiidkoodu (in loo badallo sonkor si uu jidhku u isticmaallo) waxa uu ka billaabmaa AFKA Ka dibna CALLOOSHA Ka dibna waxa loo gudbiyaa mindhicirka yar oo ah halka ugu dambaysa ee dheefshiidka cuntooyinkani ka dhaco , isla mindhicirka ayaa laga nuuga iyadoo loo badallay sonkor (glucose), waxa lagu daraa dhiiga si dhamaan unugyada jidhka loo gaadhsiiya tamarta, unugyada jidhkuna ma isticmaalli karaan illaa uu GANNACU ( PANCREAS) soo daayo maaddada insullin, soo daynta maaddada insulin waxa ayku xidhan tahay in xadiga sonkorta ee ku jirta dhiiga uu kor u kaco.

Marka xadiga sonkorta ee jidhku uu kor u kaco GANNACU (PANCREAS) waxa uu soo daayaa insulin, oo ka caawisa unugyada jidhka inay isticmaallaan sonkorta( glucose) oo ay u baddalaan tamar , si aad TAMARTA( ENERGY) aad ugu qabsatid nolol maalmeed kaaga tamarta la”aanteed cidina may dhaqaaqdeen.

F.G xaddiga maaddada insulin oo yaraada ama la waayo ayaa loo yaqaanaa sonkorow ama macaan.
sababtoo ah sonkortu dhiiga ayay iska dhex soconaysaa illaa ay kaadida soo raacayso, in ay sonkor badan dhiiga dhex socotaana waxay keenaysaa dhibaatooyinka laga dhaxlo macaanka………………
LA SOCO QAYBTA SADEXAAD………………
share and like si aad boga ugu xidhnaato.

Dr Mukhtaar Naasir

https://www.facebook.com/groups/315068372032872/permalink/1007841682755534?sfns=mo