Yuusuf Dabageed: “Waare iyo Cali Guudlaawe waxaana ku dirireynaa sharciga iyo dastuurka Hir-Shabeelle..”

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee uu Maalin ka hor xilka qaadista ku sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Baladweyne ayuu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ku amray ciidamada,millateriga Booliska iyo Nabad-sugida ee ku sugan baladweyne inay soo xiraan,balse aan la xiriri Karin.

“Waare iyo Cali guudlaawe xeritaankooda I qaba mayo,laakin waxaa inoo yaalla Sharciga,iyaga ayaana diidan inay keenaan Sharci lagu Shaqeeyo oo ay igu xiri karaan,waxaana ku dirireynaa sharciga iyo dastuurka Hir-Shabeelle aan ku Shaqeyno waaye ayuu yiri Yuusuf Dabageed”.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo dhamaan mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas ayuu sheegay inay dhaqaalo kasoo doonteen Magalada Baladweyne,isla markaana aysan shaacineyn waxyaabaha ay dadka Reer Hiiraan ugu qabanayaan.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid uu ku diidan yahay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle,waxaana uu dalkbaday in khilaafkaan ay soo dhexgasho dowladda Federaalka Soomaaliya.