Milatariga dalka suudan ayaa xabsiga dhigay boqolaal qof

Milatariga dalka suudan ayaa xabsiga dhigay boqolaal qof oo ka shaqaynayay bangiyada, xarumaha korontada iyo garoonka diyaaradaha ee dalka suudan ee casimadaKhartuum, kuwasoo shaqo joojin sameeyay.

Sidoo kale Ciidamada amniga Suudaan ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa waxay u adeegsadeen dad waday mudaharaadayaal oo ay gubayen taayiro, islamarkaana geedo iyo dhagaxyo ku gooyay wadooyinka muhiimka ah ee caimada dalka suudan ee Khartuum.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka gollaha milateriga, islamarkaana ah Taliyaha Ciidamada loo yaqan Janjaweedka General Maxamed, ayaa digniin u diray banaanbaxayaasha, isagoo sheegay inuusan aqbali doonin fowdo la galiyo dalka suudan ayna dhamanatay xiligii kacdoonka lana garay hadafkii shacabka rer suudan ay in muda ku tamayeen in dalka suudan ay ku arkan nidam isbadal ku yimada madaxweynihii hore ee suudan cumar xaan albashiir

Ilaa 100 qof oo mudaharaadayaal ah ayaa lagu dilay howlgal milaterigu ay ku doonayeen inay ku kala eryaan banaanbaxayaal fadhiyay xaruumaha dowlada ay ledahay ee casimada suudaan.

Heyadaha udooda xuquuqda adanaha ayaa cambareeyay falalkii kadhacay dalka sudan mudadii ay socdeen rabshadaha iska hor imadka ah una dhaxeyay ciidamada dowlada iyo ardayda jamacadaha dalka Suudaan.

Rabashadaha aya waxay eeda dusha kasareen ciidamada milatariga madaxdoodi waday in dalka ay amni ku soo rogaan
dhanka kale waxaa socdaa dadaalo la doonayo in ay kulan wada qaatan hogamiyasha melatariga dalka Suudaan iyo iyo bulshada rayidka oo ayagana doonayan in ay hellan xukuumad rayad ah oo ayaga kadhax muuqadaan awoododad ee xukumadana lasoo dhisayo aysan noqon mid hoostakta ciidamada melatari.

Wadahadaladan ayaa waxaa aad hada uwada resal wasaraha dalka itoobiya abiya axmed oo asaga hada doonaya in uu labada dhinaca ay meel kuwada gorfeyaan hananka dalka sidii nabad loogu soo dabalilahaay llogana samatabixinilaahay jahawareerkan siyasadeed dalka uu siidadagayo.

W/Q/Bashiir jiidaal baroow