Faahfaahin Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Hal ruux ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay ka dib markii gaariga nooca Hoomeyda Soomaalidu u taqaano uu dulmaray Mooto Bajaaj Xaafadda Warshadda Caanaha ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Qofka dhintay ayaa ahaa Wadihii Mootada waxaana sidoo kale dhaawacmay hal ruux oo Saarnaa Mootadda sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Ciidanka booliska ayaa soo gaaray goobta uu shilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca iyo meydka dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Shilkaasi.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ku socday si xowli ah, islamarkaana uu hal mar kasoo dul dhacay Mootadda, waxaana xusid mudan in goobta uu shil ku dhacay tahay meel burbursan oo gaadiidku ay ku maraan si dhib ah.