WARGELIN MUHIIM AH:- GABAR 2 BIL JIR AH OO LA HAYO

Waxaa lagu wargelinayaa bulshada In la hayo Ilmo yar oo Gabar ah oo qiyaastii 2 bilood jir ah oo habeen hore inta loo soo lebisay la soo dhigay Hotel Imperial oo u dhow Villo Beydhabo ee Xaafadda Buulo Xuubeey.

Ilmahaas yar waxaa hada gacanta ku haya oo goobta ka qaaday Ninka layiraahdo Maxamed Hurdaaye oo degan agagaarka Hotelka, hadaba hadii ay jirto Cid tebeysa waxey kala xiriiri karaan Teleefoon No- 0618454692, Hadiise Saqiirkaan ay Hooyadii dhashay inta meesha soo dhigtay uga dhaqaaqday sida uu ii sheegay Mohamed waxa ay isaga iyo Xaaskiisu diyaar u yihiin kuna faraxsan yihiin iney korsadaan una xanaaneystaan sida Caruurtooda oo kale.

Balse waxa uu intaa ii raaciyay Mohamed inuu ka welwelsan yahay oo kaliya iney dhici karto in Saqiirkan laga soo xaday Hooyadii dhashay meel ay u raadisana aaney garaneyn, waana taa sababta uu iiga codsaday inaan baafintaan bulshada kula wadaago barteyda.

Mahadsanidiin/=

Walaal fariintaan sii faafi oo gaarsii asxaabtaada.

Abdulqadir Faarax Dulyar