Wakiilka Midowga Yurub oo isagoo ku hadlaya af Soomaali farriin u diray qeybaha bulshada (Daawo)

Ambassador Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez oo dhowaantaan loo soo magacaabay xilkaasi ayaa markii ugu horeysay farriin u diray qeybaha bulshada Soomaaliyeed isagoo waliba ku hadlayay luqadooda.

Nicolas Berlanga Martinez ayaa barta Twitter-ka ee Midowga Yurub waxa uu soo dhigay muuqaal yar oo uu ku gudbinayo howlaha uu hayo xafiiskiisa ku yaala magaalada Muqdisho, isagoona qeybaha iyo ururrada u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada Soomaalida sheegay inuu soo dhoweynayo.

Waxgaradka, Culumada, haweenka, dhallinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaalida ayuu sheegay inuu la shaqeynayo, wuxuuna sidoo kale ballanqaaday inuu la shaqeynayo sanadaha soo socda dhammaanba maamulada dalka ka jira.

Diblomaasigaan Midowga uga wakiilka ah Soomaaliga ayaa dhibaato xoogan waxaa ku noqday ku hadalka luqada Soomaalida, waana mas’uulkii ugu horeeyay ee ku soo beegmay magacaabistiisa xilli dalka Soomaaliya ay ka jiraan duruufo adag sida abaaro, dagaal beeleedyo, xasarado siyaasadeed iyo arrimo bani’aadaminimo.