Mareykanka oo Duqeyn cusub ka fuliyay Deegaano ka mid ah Gobolka Sh/hoose.

Taliska Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay inay fuliyeen Duqeyn dhinaca Cirka ka fuliyeen Deegaanka Torotoorow ee Gobalka Sh/hoose, iyagoo taageero siinayey Ciiddanka DFS.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee AFRICOM ku leeyihiin magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka ayey ku sheegteen inay bishan June 5-dii weerar duqeyn ah ka geysteen Deegaanka Toorotoorow, kuna dileen hal Dagaalame oo ka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraalka laguma sheegin haddii ay dad rayid ah ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen duqeynta ka dhacay Deegaanka Torotoroow oo ka tirsan Gobalka Sh/Hoose.

Waxay kaloo sheegeen inay ku raad-joogaan warbixinadda ku aadan Natiijadda Duqeyntaasi.

Dhanka kale Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha waxay horey ugu eedeeyeen AFRICIM inay dad rayid ah ku dilaan duqeymaha Diyaaradaha ee ay ka fuliyaan gudaha dalka Somalia.