Madaxda Soomaalida iyo Kuwa Caalamka (Taxane Isbarbardhig ah)

intii aan bilaabay inaan la socdo oo aan dhagadhageeyo siyaasada iyo Wararka dunida, waxaan arkayay ama maqlayay dowlado horay u socda iyo kuwa dibu dhacay oo aynu ka mid nahay.

Waxay Warbixinaddu iyo Muuqaaladu baahiyaan Madax, Boqorro, Wasiirro dalal kale kuwaasoo mashaariic furaya ama ka warbixinaya guulaha dalalkoodu ay ka gaareen dhismaha kaabayaasha ama dib u dhiska dalalkooda dagaallo lagu soo qaaday ka dib ama kuwa sokeeye oo ay galeen awgiisa. Sida Rwanda, Lubnan, Viatnam, Algeria iyo Kuwa kale.

Waxaan iswaydiiyaa madaxdeenu kuwaas maxay uga duwanyihiin oo u diiday inay Somalia markale ay u kiciyaan oo ay kasoo kabato dhibaatadii ay soo martay iyadoo waliba dadkeeda ay haysato sababaha midayn kara oo dhan. In badan ayaan baaray aniga oo dib u tixraacay dalal badan oo dib uga soo kabtay dagaallo sokeeye oo ka xun kan Somali soo kala dhex maray.

Silsilado Taxana ah ayaan barbardhig ku samayn doonaa Madaxda Somaalida iyo Madax dalal kale oo dib usoo kiciyey dalalkooda iyo hababkii ay umareen.

Dalka Rwanda iyo Madaxweyne Paul Kagame

Horta ugu horayn Wadaniyadu ma ahan micnaheeda in qofka hogaanka ahi uu qaado halku dhigyo iyo Heeso wadani ah, ama uu akhriyo khudbo xamaasi ah aan waxba uga hoosayn taasoo lagu siro bulshada, waana sida madaxdeenu u badantahay. Ee waxaan ula jeednaa in qofka Hogaamiyaha ahi uu dalkiisa uga tanaasulo wax walba oo kasokeeya, uuna geed dheer iyo mid gaaban u fuulo sidii uu dalkiisa u horumarin lahaa. Taas waxay faraysaa in midnimada ummadiisa uu wax walba kasaraysiiyo, oo uu tuuro maslaxadaha sakhsiga ah iyo kuwa ay ka rabaan qabiilkiisa ama kooxda uu la bah siyaasadeedka uu yahay.

Madaxweynaha Rwana Paul Kagame, isaga oo qabiilkiisa Tuutsiga ah ay ahaayeen kuwii la xasuuqay, wuxuu ka doorbiday badbaadinta dalkiisa iyo dib u walaalaynta Huuto iyo Tuutsi oo dhex maray wax aan dhexmarin Soomaali oo waxay iska dileen dad kabadan 1 million. Paul kama aarsan Huutuuga, ee si siman ayaa labada qabiil dowlada u matalaan maanta, waxayna Rwanda tusaale u noqotay, dalalka sida degdeg u horumaray ka dib dagaal sokeeye.
Paul Kagame wuxuu xilka qabtay sanadkii 2000 wuxuuna xambaarsanaa laba Hadaf (Yool) oo cad.

– Midaynta Dadkiisa xasuuqii ka dib.
– In dalkiisa uu kasaaro Faqrigii daashaday

Si uu u xaqiijiyo labadaas Yool wuxuu dajiyey qorshayaal yaab leh, gaar ahaan si loo tirtiro raadkii uu reebay xasuuqii:-
1- Xasuusaha nool:
Dallka wuxuu yeeshay boroor diiq 100 cisho soconaysa taasoo ka bilaabanaysa 7 April sanad walba, waxaana barbarsoconaya, maalmahaas xuska ah in dowladdu soo bandhigto qorshaheeda horumarinta dalka iyo midaynta dadkeeda.
2- Waxbarista Dhallinyarad:
Iyadoo manhajka dalka lagu daray Xasuuqii dalka ka dhacay, sababaha keenay iyo siyaabaha looga hortagi karo inuusan soo noqon. Waxaana dhallinyarada sidoo kale loo furay Ceeljaalayaal (xarumo) lagu wacgeliyo.
3- Cadaalada:
Dambiilayaashii wuxuu ukala saaray labo, kuwii hogaamiyayaasha kooxaha xasuuqa gaystay ahaa wuxuu u diray Maxkamada Caalmiga ah ee Laahaay, kuwase iyaga ka qaybqaatay falalkii bahalnimada ahaa ee shacabka ahaa wuxuu u furay maxkamado dhaqan ah oo Rwandisku ay leeyihiin taasoo lagu magacaabay GAKAKA, waxaana dadkaas lagu xukumay sanado laga khafiifiyey iyaga oo dhaqan celin loosameeyey.
4- Dal Cusub:
Calan Cusub, Heesta Dalka oo labadalay, Dustuur Cusub, iyo Joojinta Sheegista wax qabiil ah ama takooris dadka loo kala saaro Huuto iyo Tuutsi.

Afartaas Qorshe ayaa u horseeday inay Rwanda noqoto tusaale dhif ah iyo dal ay Walaalo kuwada yihiin kuwii Dambiilayaasha ahaa iyo dhibanayaashii si isku mid ah, kuwaasoo is cafiyey oo isu qirta mid midka kale dambiga uu ka galay, waxaana isguursaday kuwaa dadka iska dilay oo way iscafiyeen.

Dowladdu markii ay ku guulaysatay xasilinta dalka iyo nabadayntiisa waxay u jeesatay Kobcinta Dhaqaalaha iyo dhismaha dalka. Wuxuu Madaxweyne Kagame uxilsaaray koox lataliyayaal ah iyagoo u socdaalay dunida si ay usoo diraaseeyaan dowladaha sida degdeg ah u kobcay sida Singapore oo kale, waxayna isu badashay aragti dhaqaale iyo harumarin weyn oo lamagac baxday Aragtida 2020. Aragtida ayaa kulansanaysay 44 yool taasoo ay u dhanyihiin wax walba, waxaynan Rwanda 20 sano gudahooda ka dhigtay dal horumaray oo kasoo baxay Faqrigii iyo dib dhicii uu ku jiray.
Dhaqaalaha Rwana ayaa 3 jeer labanlaabmay 15 sano guduhood heer gaaraya 8% sanad walba, waana heer ku sareeya afrika gudaheeda iyo dunidaba. 2 million oo qof ayaa ka gudbay saboolnimada. Waxay Rwanda noqotay deegaanada ugu haboon ee laga samayn karo shirkadaha wax soosaarka leh, wuxuuna dalka hada ku faanayaa inuu yahay dalka afrika ugu horeeya dhanka waxbarashada oo caruurta oo dhan dugsiyada way aadaan.

Dumarka qayb libaax ayay xukumka ka leeyihiin oo 30% ayay baarlamaanka ka helaan iyada oo la adeegsanayo awooda Sharciga iyo Qaanuunka dalka, waana dalka dunidu ay dumarka ugu badanyihiin Baarlamaanka.
Sidaasaa Madaxweynahaa caatada ah uu noqday mid dunida oo dhan caan ka ah, wuxuuna aragtidiisa hormarineed uu ka jeedayaa Jaamacadaha reer Galbeedka sida Harvard iyo Brookings.

 Dalka Rwanda bedkiisu waa 26,338 Km2
 Tirakoobka dadkiisa waxaa lagu qiyaasaa 11 million.
 Xuriyada waxay qaadatay 1962.
 Caasimadu waa Kigali.
 Diinta ugu weyn waa Kiristan oo gaaraysa 83%, muslim ku waa minority 4.6%.

Laba su’aalood ayaan ku soo khatimaynaa Qaybtan 1aad:-
1) Ma iswaydiisay meelo aan isaga egnahay anaga iyo Rwanda iyo Fursado badan oo ay Madaxdeenu dhumiyeen?!
2) Ma ila fahantay meesha aan ka liicayno inay tahay Hogaan aan aragti lahayn, ee aysan ahayn dalal shisheeyaa nagu soo duulay iyo Soomaali baa isdiidan?

Abdirahman Abdirisak