Guri ku yaala Degmada Dayniile oo Xalay Dab khasaare gaystay uu ka kacay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xoogan oo xalay ka kacay Guri ku yaalla Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro hantiyadeed.

Dabkan ayaa waxaa uu ka dhacay Guri ku yaalla Xaafada Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile,isla markaana waxaa uu kacay xalay fiiqkii,waxaana uu socday saacaddo badan.


Qof ku sugan xaafada Ciise Cabdi ayaa sheegay in dabka uu gebi ahaanba Baabi’iyay guriga uu ka kacay,isla markaana waxaa uu geystay Khasaaro hantiyadeed.

Halka uu Dabku kacay ayaa waxaa gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee dab demiska ah oo ku guuleystay markii dambe inay demiyaan dabkaas socday in ka badan 6 saacadood,waxaana isla goobta tegay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Dayniile oo ka qeyb qaatay deminta dabka.

Dabkii xalay ka kacay Guriguu ku yaallay Xaafada Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir waxaa uu ka dhashay Koronto,mana jirto wax khasaaro nafeed ah uu geystay.