Wafdi uu Hogaaminaayo Wakiilka midowga Afrika ee AMISOM oo gaaray Jowhar

Jowhar:-Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle gaaray wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Wafdiga uu hogaaminaayay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa waxaa ka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Saraakiil Ciidan.

Ujeedka maanta uu Magaalada Jowhar u gaaray Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa waxa uu gar gaar gaarsiiyay dadka danta yare e ku nool Magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale Wakiilka ayaa maanta uu kulamo la qaatay Madaxda Hirshabelle,isagoona kala hadli sidii loo cawin lahaa dadka danta yar ee ku nool goblkaasi.