Maamulka Puntland oo mar kale ka digay Roobab daadad wata oo ka dhaca Deegaanadaasi.

Wasiirka Deegaanka Beeraha iyo Waraabka Puntland Ismaaciil Diiriye (Gamadiid) ayaa waxaa uu Shacabka ku nool deegaanada Puntland markale uu uga digay Roobab daadad wata oo la sheegay inay dhawaan kusoo fool leeyihiin deegaanada Maamulkaas.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Magalada Garoowe ayuu ku sheegay in markii ay eegeen saadaal dhinaca hawada ah oo la sameeyey iyo sida uu Roobka uga da’ay deegaanada Puntland la ogaaday in daruur xoog leh oo keeni karta robab daadad wata ay ka da’aan deegaanada Xeebaha ah ee Puntland,kuwaas oo khatar ka dhalan karta.

Si gaar ah ayuu ugu digay dadka ku nool deegaanada Gobolada Sool iyo sanaag,waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay ka gogaadaan meelaha u dhow xeebaha iyo Goobaha kale ee uu khasaaraha ka geysan karo hadii uu da’o roobka wata daadadka.

Hadalkaan digiinta ah ee Maanta kasoo yeeray Wasiirka Deegaanka Beeraha iyo Waraabka Puntland Ismaaciil Diiriye (Gamadiid) ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Roobab daadad watay oo ka da’ay meelo ka mid ah Gobolada Bari iyo Nugaal ay ku geeriyoodeen Shan ruux oo ay carruur ku jiraan Guryo badana ay ku baaba’een.