Dadkii iyo gaadiidkii laga Afduubtay G/Hiiraan oo Ciidamada Liyuu Boolis dib u soo daayeen.

War Goordhow soo gaaray Warbaahinta Gudaha ayaa sheegaya in la soo daayay dadkii iyo gaadiidkii shalay Ciidanka Liyuu Boolis ay ka kaxeeysteen deegaan dhaca duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wariyaashaa ku sugan Baladweyne ayaa xaqiijiyay in 6 Ruux oo Beeraley ahaa iyo 5 gaadiid oo ay Ciidanka Liyuu Boolis wateen la soo daayay,isla markaana ay dib uga soo laabteen deegaankii marka hore laga watay

Shalay ayaa Ciidankaas oo ka yimid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ay Deegaanka Xuday Wagle oo qaiyaastii 35-KM dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Baladweyn ka Afduubteen dad beeraley ah iyo Gaadiid nooca loo yaqaano Cagaf Cagafta.

Weli ma jiro war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan arrintaan,hayeeshee waarrka qaar ayaa waxaa sheegayaan in Saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan.