Qoraal HirShabeelle ka soo saartay Wakiilka cusub ee QM u soo magacaawday Dalka Soomaaliya

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada maamul Goboleedka Hir-Shabelle ayaa lagu soo dhoweeyay Magacaabista Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ay usoo magacaawday Soomaaliya.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo wakiilka cusub si dhowna ay ula shaqey doonaan, iyadoo ilaalineysa Midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee QM ayaa dhowaan Soomaaliya u soo magacaabay James Swan, oo noqon doona wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Magacaabista James Swan ayaa timid ka dib markii Lix bilood ka hor dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay wakiilkii hore ee QM u qaabiolsanaa arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Warsxaafadeedka Hoos ka aqriso:-