Taalo Qabiil:- Ar been badanaa,oo Dabbaalnimo badanaa, oo Dambi badanaa!!!.

1-waxaan Aas Qaran u sameynay, Isagii.

2- waxaan Janno ugu duceynay, kii

3- waxaan Masjid ku magacaawnay, Lankii.

4- Waxaan Garoon Dyaaradeed ugu magac Darnay. Usugii.

5-waxaan Geesi u Aqoonsanay, kaa.

6- waxaan Xero Ciidan ku magacaawnay, koo.

Annagaaba Dadka Jaha wareeri neeyno. Haddaan Taariikhda Runta laga sheegin Berri waxaan sugeeyna.

1- Masaajidda halooga soo duceeyo Xeyla Salaase.

2- Ubax dhigga Taalada Jomo kenyata, halyeygii Somalida Caawiyay.

3- Masjid loogu magac daray Fircoon oo la isku heysto Beesha Imaamka ka noqonee.

4- Machadka Nabadda ee Hitler.

5- Xerada Ciidamada Abiye Axmed.

6- waxaana Badan doono Taalooyin lagu Amaanayo Somaligii, Somali kale dhibaateyay, Taalooyin Qabiil, iyo Mabaadii’da guud ee Qolaba Doqonkeeda ha darajeyso, Daaliimkeedana ha u duceeyso , Ninba Abootadii Isgool ha ugu magac daro.

Horaan Angela Davis ugu ducey jirnay, Lenin Jidad ku magacaabi jirnay ( F.S: 1& 2aad) Maxaa xigay (F.S: 3, 4, & 5aad) iyo kuwo kale.

FG: Taariikhda shakhsiga yaan laga been sheegin, Halyeeyga yaan heeyb laga dhigin, wanaaga yaan xumaan loo macneeyn, Xumaantana Wanaag. Hala sameeyo Guddi Qaran oo u xil saaran Magacaabida iyo dib u magacaabida, Goobaha Taariikhiga ah iyo Cidda mudan in lagu magacaabo. Haddii kale……..!!!!!!!?????.

Qore: Yahya Amir