Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

Wararka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fidriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxda.

“Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka,  waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga in uu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay caawiyaan kiisa aan awoodin in uu ka qeyb qaato farxad Ciidul fidriga,waxaana uu Alle ka baryay in Bishii Soon ee la soo soomay uu Alle ka aqbalo.