Iska hubi koleeyba wey ku saameyn doontaa ( Cashar Muhim ah)

Talo ku socoto Somalida & Mareykanka.

Maalmahaan Baraha Bulshada waxaa ku qoran xayeysiin loo sameynayo in Amb. Swan loo magacaabayo SRSG. Laakin weli lama magacaabin illa hadda,… Maxaa ka dhexeeyo ( Amb. Swan & Kenya?)

Mar ayeey dhacday 1993 in Wakiilka Xog. Guud ee Somaliya uu noqdo Mareykan iyada oo uu joogo Safiir Mareykan ah.

Waqtigaa waxaa jiray hal ku dhag ahaa ( UN invasion, US friend) haddii aad xasuusatid, taa oo aheyd Mareykanku waa saaxiib ,UN waa Duulaan, weliba iyada oo UN ey isticmaaleysay Ciidamo Mareykan ah, iyada oo Gen. Caydiid iyo Admiral Howe ey colaadi ka dhexeyso ayaa haddana Amb. Robert Okley waxa uu heshiis Miyir qaba la lahaa SNA. Waa Laba Nin oo Mareykan ahaa,oo midna dhinac matalayay, Waqitigaa oo dagaal culus uu dhax marayay, UN oo wadato Ciidamo caalami ah & SNA, Dowladii markaa jirtay ee Md. Cali Mahdi in kasta oo Colaadi kala dhexeeysay SNA haddan ama dhax galin Dagaalka.( F.S:1,2,3 & 4aad)

Waa la kala ilaaliyaa lana miisaamaa, xilalka iyo xiriirada siyaasadeed, laba dhinc oo culeeys leh arrintaada looma dhiibto, waana sababta Dowlada badan ey waqtigii dagaalkii qaboobaay ey ugu biireen Ururka wadamada dhaxdhaxaadka ahaa oo aan xubin ka aheyn Somali ahaan.

Kumuu ahaa Admiral. Hawe?

Admiral. Jonathan Trumbull Howe (Admiral Howe) waa Nin Mareykan ahaa, waxa uu ahaa wakilkii Xoghayaha Guud ee JQ waxa u magacaabay Boutros Boutros-Ghali, waxa u xilka hayay March 9,1993 illa Feb.1994 markaa oo uu is casilay, waxa uu hore xilka SRSG ugala wareegay Mr. Ismat Kittani oo u dhashay Dalka Ciraaq.

Oct 8, 1993 ayaa Admiral Hawe, waxaa eedeeyay State Departament & Sarakiisha Pentagon kuna eedeeyay in uu wax ka qaban waayay arrimihii Sababay Dagaaladii UN & SNA, waxa eyna soo jeediyeen in xilka laga qaado.

Waa kuma Amb. James Christopher Swan?

Amb. Swan waxa uu ku dhashay Washington Dec.10, 1963 .Waxa uu safiir ka soo noqday Djibouti. Congo, wakillka Somalia ilaa August 2011, waxa uu ka soo shaqeeyay Safaaradaha Kinshasa. wax uu B.Sc. ka qaatay Jaamcadad “Georgetown University” , M.A.na waxa uu ka qaatay “Johns Hopkins University” , waxa kale oo uu leeyahay khibrad ciidan waxa uu MA, “in National Security Studies” ka qaatay “National Defense University’s National War College”. Waxa la leeyahay Swan waxa uu ahaa Nin u ololeeyo ( Lobbyist) arrimaha Kenya.

Amb.Swan waxa uu Guursaday haweeney Sarkaalada ka aheyd arrimaha Dibadda iyo la taliya sare ee arrimaha Africa (the United States Department of State Senior Foreign Service) oo la yiraa: Mrs. Daphne Michelle Titus, waxa eyna leeyihiin Laba Caruura oo kala ah: Mitchell iyo Garner. Waxa ey noqotay la taliye USAID ee arrimaha Nabada Ethiopea, iyo Harooyinka waaweyn, iyada oo joogtay xarunta USAID ee Kinshasa, DRC. Waxa la taliye ey ka noqotay arrima U.S. Mission Nigeria, Gambia, Haiti, Cameroon. Waxaa u sii dheer hoowlihii ey ugu xil saarneed “US Embassy Nairobi’s Somalia Political Advisor in Djibouti”.

Waxaa la leeyahay, Mrs. Daphne Michelle Titus, waa haweeney asal ahaan Kenyan ah, weliba ey qaraabo yihiin , Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya Amb. Macharia. ( F.S: 5 & 6aad)

Ololaha Hadda ka socdo New york waxaa uu noqday Laba dhinac, Xoghayaha guud ee JQ, Mr Antonio Guterres, Mareykanka iyo madaxda somalida ayaa isku dhinac ah, waxaa diidan wadaamada UK, Russia ,China iyo inta badan wadamada Reer galbeedka.

Waxaa dowlada ku khasbayo, xildhibaano heysto dhalasho Mareykan ah & dhalinyaro hore uga soo shaqeyn jiray Safaaradaha Mareykanka oo saaxiibo la ahaa Amb. Swan.( danta guud ee labada Dal fiiriya, tiina gaarka ah dib u dhigta, Madaxdana yaan la khaldin)

Hadda haddii Somalaidu ey ku dhax dhacdo siriq Saddax geesood ah sideey noqonee?, Hogaamiye Somaliyeed oo Mareykan ah, Safiir Mareykan ah Amb. Yamamoto oo haddaba Somalidu ey bilaawday in ey aad uga shakiso, marka la fiiriyo Xiriirka qofeed ee uu Ethiopia la leeyahay iyo Shirkii Garoowe iyo Wakiilka UN loo ololeynayo Amb. Swan oo Mareykan ah. ( F.S: 7,8, & 9aad)

Sidey u arkayaan somalidu?, ma laga yaabaa in ey noqoto waji cusub oo Aar gudsi ah oo la xiriiro 1993?, UN sumacdeedu sideey noqonee?, Somalida oo kaliya ma ahan ee wadamada kale ee Somaliya Caawiyo ma u arkayaan in Ratigu uu hal dhinac u raran yahay?.

Aqoon yahano Kenyaan ah ayaa Maalmahaan Baraha Bulshada soo galiyay, Gudoomiyaha Maxkamada Caalamigaa ee “Hague” in uu yahay soomali, Taasi Garyaqaan Cabdulqawi Dambi miyeey u noqonee? waxa eyna rabaan inaan taageerno wakiil UN oo ka socdo Guri barkii uu kenyaan yahay, Aqoon yahanka Somalidu Arrintaan sideey u arkaan???.

Magacaabida Amb.Swan iyo Maxkamadu sideey isku saameyn karaan?, Madaxdeenu maka fekereen?, Danta Kenya ugu jirto Amb. Swan sideey ugu muuqataa?.

In kasta oo UN ey hore u magacaawday Xil ku cusub siyaasada oo ah wakiilka UN ee Geeska Africa, sideey Noqon doontaa awooda wakiilka cusub? Hadda ayuuba ku xigeenkii SRSG ee Somalia Mr. Raisedon Zenenga oo ku cabanayaa Xoghayihi guud ee UN markuu ka hadlayo Somalia . waxaa muuqata in kalsoonidii UN ey ku qabtay Somalidu sii yaraaneyso, dhinaca kalena in kalsoonidii Somalidu ku Qabtay UN ey sii dhimaneyso.

FG: Siyaasi ma ihi, waa aragti qofeed, wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimaana ku dar.

Qore: Yahya Amir