Aabe Lugoole ah “I soo Caawiya Caruurtayda Ma haystaan waxay ku ciidaan..”

Cali Xuseen Kudan, waa Aabe dhalay 7-caruur ah, isla markaasina dagaaladii ku waayay labadiisa Lugood, iyadoo ay u sii dheer tahay inuusan haysan wax ka kaalmeeya qoyskiisa, mana ahan nin shaqeyn kara, xaalkiisa waa mid aad u liita.


“Waxaan ka codsanayaa Soomaalida Alle wax siiyay inay i soo kaalmeeyaan, maadaama aan awoodin inaan shaqaeysto” ayuu yiri Cali Xuseen Kudan oo ah Aabe Lugaha ka go’an.

Ninkaan ayaa warbaahinta u sheegay inuusan awoodin in Ilmihiisa Iskuulka ka bixiyo, sidoo kalana uusan awoodin inuu Biilka reerkiisa u soo shaqeeyo, “Waxaa mararka qaar ka baryaa dadka inay i caawiyaan sidaas ayaana reerkayga ku dhaqaa, maalintaa waxba helin waan qadnaa.

“Hadaba Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda ku dhaqan waxaan weydiisanayaa inay caawiyaan, si caruurtayda uga mid noqoto Caruuta Ciidaysa, ma gato cid aan u cararo oo aan wax ka helaayo” ayuu yiri Aabe Lugoole oo ay ka muuqatay xiligaasi daruuf aad u daran.
Dhanka kale qof kasta oo Alle SWT dartii u baxsaneysa sadaqo waxay la soo xiriiri karaan Telefoonka Nambarkiisu yahay +25261-6672001