Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ka imaanaya Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab uu isku soo dhibay Maamulka Degmadaasi.

Maxamed Isxaaq Araxas Gudoomiyaha Degmada Bardaale oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegey in sarkaalka uu Xiriiro kala duwan la soo sameeyay maamulkiisa, Kadibna isagana uu go’aansadey inuu iska soo baxo Al Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu baaq u diray dhalin yarada ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoona ka dalbaday in ay ka faa’ideystaan baaqii ka soo baxay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale maalmihii dambe waxaa isa soo tarayay baxsadka dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo si is daba joog ah isugu soo dhiibayay Dowladda Soomaaliya, si ay u helaan nabadgelyo iyo mustaqbal wanaagsan.