Muwaadin Soomaali Oo Xatooyo Darteeda Lagu Xiray Malta

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Boliska xireen Nin Soomaali ah oo lagu helay inuu 3 Mobayl xaday muddo 3 malamood gudaheeda.

Boliska waxay sheegeen in C/salaam Maxamed Afrax oo 32-jir ah lagu helay eedeymahaasi isbuucii la soo dhaafay, lana soo tagay Maxkamadda.

Dacwad-ooge ka tirsan Boliska Malta oo lagu magacaabo Jeffrey Sisiluna waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu Eedeysanaha 2 Mobayl ka xaday Gaari, halka midka 3-aadna uu ka qaatay goob ganacsi.

Boliska ayaa la sheega inay dabagal ku sameeyeen Eedeysanaha, kadib, markii ay wicitan Telefoon ka heleen Milkiile Dukaan oo sheehtay inuu aqoonsaday Dembiilihii dhaca u geystay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qareen Dustin Kameleri oo difaacayey Eedeysanaha kama codsaninin Maxkmaadda in damiin lagu sii daayo Eedeysanaha oo horey uga soo baxsaday Isbitaalka Mount Carmel Hospital.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda oo lagu magacaabo Donatella Frenda Dimech waxa uu amray in Eedeysane C/salaam Maxamed Afrax lagu sii hayo Xabsiga ilaa isbuuca dambe oo dib loo qaadi doono Maxkamadayntiisa.