Maxkamad Ku Taalla UK Oo Xukun Ku Riday Muwaadin Somali ah oo Dhawaac Geystay

Maxkamadda Degmadda Grangetown ee Koonfurta Caasimadda Gobalka Wales ee Cardiff ee dalkaasi waxay Xabsi 19 sanno ah ku riday Nin Soomaali ah oo lagu helay inuu dhawaac u geystay Gabar ay saaxiibo ahaayeen.

Axmed Cali oo 34-jir ayaa lagu helay inuu saaxiibtiisa oo lagu magacaabo Oliviya Spinks uu Luqunta iyo Madaxa kaga dhaawacay Kashawiito bishii Feberaayo 24-dii ee sannadkan.

Maxkamadda waxaa loo soo gudbiyey Muuqaalo CCTV oo muujinaya iyadoo uu Eedeysanuhu dharaar cad ku eryanaya saaxiibtiisa bartamaha Degmadda Grangetown.

Eedeysanaha iyo Saaxiibtiisa waxaa la sheegay inay xiriir lahaayeen muddo 4-sanno ah, isla markaana ay si wadajir ah u noolaayeen.

Maxkamadu waxay kaloo dhegeysatay inuu Eedeysanaha masiir dartiisa uu falkaasi u geystay, kadib, markii uu arkay saaxiibtiisa oo nin kale la joogta.

Eedeysnaha ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu soo iibsado labo Mindiyaha Jikadaha oo cabirkoodu dhana yahay 12 inch, balse loo diiday in laga iibiyo mindiyahaasi, maadaama uusanwadanin wax Waraaqo Aqoonsi ah (ID Cards).

Eedeysane Axmed Cali oo la sheegay inuu deggan yahay Degmadda Butetown ee magaalladda Cardiff waxaa lagu soo oogay Isku-day Dil, waxaana lagu xukumay Xabsi 19-sanno ah.