28.2 C
Mogadishu
Wednesday, October 21, 2020
Home Wararka Hormuud Oo Deeq Gaarsiisay Qoxootiga Yamaniyiinta

Hormuud Oo Deeq Gaarsiisay Qoxootiga Yamaniyiinta

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta maanta Deeq Lacageed gaarsiisay illaa 300 Qoys oo ka mid ah dadka Yamaniniyiinta ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Qoysaskan oo dalkooda uga soo cararay dagaallo ayaa in muddo ah ku noolaa gudaha Caasimadda, iyaga oo wajahayay daruufo nololeed.

Gudoomiyaha hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Ismaan oo ka warbixiyay deeqdan ayaa sheegay in ay ugu talagaleen in Qoysaskaasi ay uga faa’iideystaan u dabaaldaga maalmaha Ciidul Firdiga.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliiyeed in la caawiyo dadkaasi.

Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa tan markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan howlo Samafal ka waday magaalada Muqdisho.

661122334455