Faahfaahin Ciidanka dowladda iyo Koox hubeysan oo ku dagaallamay Muqdisho

Ciidanka booliska ayaa gacanta ku dhigay koox burcad ah oo dadka Shacabka ku dhibaateynaayay degmada Xamarweyne ee gobolka banaadir sidda ay sheegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sakiyo Xuseen.

Waxa ay sheegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska in dadka la qabtay ay dhacaayeen  shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida.

Burcadda ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib Ciidanka Booliska ayaa dhaawacay Mid ka mid ah labaddana gacanta ku dhigay.

Intii uu socday howlgalka Saddex qof shacab  ah ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray, waxaana ku dhintay hal ruux.