Askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo darawal Gaadiidka BL-ka ku dilay magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay in Darawal waday Gaari Hoomey ama BL uu ku dilay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Dilkan ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Isgoyka Seyniyaano Degmada Hodan.

Askariga wax dilay iyo darawalka aya la sheegay inay murmeen, maadaama wadadaasi ay aad cariiri u aheyd, taasina waxay keentay in askariga uu xabad ku dhufto darawalk.

Darawalka Gaadiidka dadweynaah ee Maanta la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay(Laangeel).

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaareen ciidamada booliska Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal ay geystaan askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya.