Uhuru Kenyatta oo arrin layaab leh ka sameeyay masjid ku yaala Nairobi

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa arrin layaab leh oo dhalisay su’aalo fara badan waxa uu ka sameeyay masjid ku yaala magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kula kulmay ilaa 500 qof oo ka mid ah Muslimiinta dalkaasi degan.

Masjidka Jameeca ee ku yaala magaalada Nairobi oo kulankaasi ka dhacay, ayaa Madaxweynaha Kenya waxa uu kula afuray dadkii halkaasi isugu yimid isagoona kaddib la tukaday Salaadda maqribka.

Uhuru Kenyatta ayaa halkaasi waxa uu khudbad ugu jeediyay Muslimiinta dalka Kenya, isagoona ammaanay diinta Islaamka oo uu sheegay inay tahay diin nabadeed, hase yeeshee waxa uu ka dalbaday shacabka Muslimka ah ee dalkaasi degan inay kala qeyb qaataan nabadda iyo kahortagga kooxaha argagixisada ah.

Xildhibaanka aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad kooban, isagoona sheegay in Muslimiinta Kenya ay ku faraxsan yihiin booqashada madaxweynahooda Uhuru Kenyatta, isagoona halkaasi ka qaaday takbiirta Islaamka.

Madaxweyne Kenyatta oo xirnaa labiska ay qaataan dadka Muslimka ah sida Koofi, Macawiis iyo Cimaamadda garbaha la saarto ayaa sawiradiisa isagoo salaadda kula xirtay jameecadii masjidka waxaa la soo dhigay baraha bulshada, waxaana su’aalo kala duwan ka dhashay ficilkaasi uu ku dhaqaaqay.

Soomaalida isticmaasha Internet-ka ayaa iyagu ka mid ahaa dadkii ka bixiyay aragtiyaha kala duwan ka bixiyay, qaar ayaa taageeray in Madaxweynaha Kenya tukado salaadda isagoo aan Islaam aheyn, halka qaar kalena ay dalbadeen in culimada Soomaaliyeed ee Kenya degan jawaab cad ka bixiyaan.

Tallaabadaan uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo beegmeysa xilli uu cirka isku shareerayo khilaafka u dhaxeeya dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo aan weli jirin dhexdhexaadin caalami ah ama mid qaaradeed toona.

Jabril Maxamud Nuur (Jabra)
saxafi37@gmail.com