Sawirro:-Duqa Muqdisho Oo Kormeer Ku Tegay Degmo Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Waxa uu sidoo kale xariga ka jaray Xafiiska Ururka Haweenka, dhismaha taalada laga dhex sameeyay gudaha Degmada, iyo weliba gaari gar-gaar (Ambulance) oo ay yeelatay Degmada.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu indho indheen kusoo sameeyay wadooyin jid-cadayaal ah oo laga hergeliyay gudaha degmada iyo kuwo hada ku socda habeyn.

Shacabka Degmada Kaxda ayuu ku amaanay Eng. Yariisow, sida ay isugu tashteen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen.