Qiso Kooban oo ku saabsan Saxaabigii Bilaal Binu Rawaax Allah Haka Raali Noqdee!!!

Markuu Nabigeenu محمــــدﷺ (SCW) ka Tagay Adduunyada Sayyid Bilaal Binu Rawaax (Allah Haka Raali Noqdee) Isna wuxuu Iskaga Tagay Madiina Wuxuuna Tagey Dhulka Shaam Maxaa Yeelay Muuna ku Noolaan karin Madiina Isagoon Rasuulka محمــــدﷺ (SCW) Arkeynin.

Habeen Isagoo Hurda Ayuu ku Riyooday Nabiga suuban scw Oo Leh Bilaal Maxaad noo gooysay Nama soo booqaneysid miyaa..

Wuu Toosay Sayid Bilaal Wuxuu Soo Fuulay Faras Dheereeya Wuxuu Yimid Madiina…

Xassan Iyo Xuseen Owlaadii Rasuulka scw ayaa ka codsaday inuu aadaaamo Markuu Aadaamay Maalintaas Sanado Badan kadib Reer Madiina Way sio Wada bexeen xataa gabdhihii guri kuhirka ahaa ayaa soo baxay Nin kasta Iyo Haweenay kasta Baroor Iyo Oohin Ayay Isku Dareen Maalin kaga oohin badan reer madiino lama arag illaa Maalinkii Uu Rasuulku wafaaday maahane.. Xusuus Nabigii scw Ay Bilaal ku Xusuusteen Markuu Sayyid Bilaal adimo Nabiga scw usoo bixi jiray oo tukin jiray..

Markuu Gaaray 《Ashhadu Anna Muxammada Rasuuulullaah》 Bilaal Ilntiisu Dhulkay ayay ku Dhacday Oo ku Daadatay Maxaa Yeelay? Muusan awowdin inuu dhameestirio .