Kooxo hubeysan oo Nabadoon Caan ah ku dilay Degmada Afgooye.

Wararka naga gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen nin oday ah oo ka mid ah dadka ku nool Tuuladda Sagaalaad ee degmada Afgooye.

Ninka Odayga ah ee la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cismaan Xaaji Qaasim, wuxuuna dilkiisa dhacay salaadii Cisha kadib, waxaana la toogtay xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla Tuuladda Sagaalaad ee degmada Afgooye.

Kooxihi dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaana halkaasi gaaray Ciidanka dowladda Soomaaliya ee Booliska, waxayna bilaabeen howlgallo lagu baadi goobaayay cidii ka dambaysay dilka Nabadoonka.

Dhanka kale dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku soo kordhayay Magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/Hoose.