Islaamka iyo Dowladaha maanta!!! (Cashar Muhiim ah)

Waan ogahay, Islaamku waxa uu ka soo baxay dhul Carbeed, Luqad Carbeed, Rasuulkeena Muxamed CSW waxa uu ahaa Carab, Khulafaa’u Raashidiina Carab ayey ahaayeen, laakin ku fidinta Diinta 5ta Qaraadadood & Culuumta kale waa looga badnaa Carbtii dambe.

Waan ogahay, in Xukunkii Islaamka ee Magaalada Madiino ka hor, Dowladaha Aduunku waxa ey u shaqeyn jireen danta Boqortooyada oo kaliya in ey difaacaan iyo in ey Dhul kale qabsadaan, laakin xukunkii Islaamka ee Magaalada Madiina waxa uu ku soo kordhiyay Caalamka wax aan hore u jirin sida: in Dowladu ey ka shaqeyso Arrimaha Xuquuqda Beni Aadamka ( Human rights & Role of law) Arrimaha Beni aadan nimada (Humaniterian) iyo Samafalka, in la caawiyo Masaakiinta oo aan hore ugu jiran waajibaadka Dowlada, wax barasho waajib ah, Xuquuqda dadka laga tirade badan yahay ee ku dhax nool Deegaanka Dowlada. 700 Sanno ee xigtayna Islaamku waxa uu lahaa Culumada Science-ka ee dunida ugu horeysay, Dadkii heerkaa gaarsiiyayna Carab uma badneyn.

Khudabadii Rasuulka CSW ee Xajkiisii ugu Dambeeyay, waxa uu u sheegay Dadkii maalintaa dhageysanay in ey jiri doonaan, kuwa aan maalintaa joogin oo Islaamka Fahmi doono.

Tira ahaan Carabtu kama badno Islaamka, Indonesia 13% ayey ka tahay tirade guud ee Muslimiinta waana tan ugu badan Dal ahaan , Pakistan 11%, India 10.9% Carab oo dhan 19%. ( waxaa ka badan Carabta, Muslimiinta Hindiya & Bakistaan oo kaliya) , Guud ahaan Muslimiintu waa Sunni 85%, Shia 12% , kuwa kale 2%.

Waajibaadka Qaar:

Waxaa jira wax Diintu ku faree oo Adiga iyo Allah idinka dhexeeyo iyo wax Adiga iyo Dadka idiinka dhexeeyo oo ah waajib. Muslin nimadu ma ahan Salaada , Soonka , Xijaabka, Gar la deysto, Qur’aanka oo la xafido oo kaliya. Waxaa ka mid ah in Shacabka iyo Dowladuba ey ku dhaqmaan ama ka dheeraadaan. Ficilada Islaamku farayo waxaa ka mid ah: Xuquuqda shacabka, Agoonta, Gancsiga & Sicirka, Laaluushka, Qishka, Ka ganacsiga Badeecada la mamnuucay, Cadaalada Maxkamadaha, Nafta iyo Hantida Dadka ee lagaa xarimay, Xuquuqda Deiska, Xaqa Masaafurka, Xaqa Xaaska, Runta in la sheego, Balanta in la fuliyo, Amaanada in la dhowro, Musuqmaasuqa laga Fogaado iyo waxyaaba kale oo badan.

Daraasadda uu Jaamacadda “George Washington University” ku sameeyay Prof. Hussain Askari oo Iran ahaa ee “How Islamic are the Islamic Countries” Islaan minada wadamada Islaamka. Cilmi baaristaa oo lagu soo daabacay wargeyska “Global Economy Journal” Waxa ey muujinee in wadamada islaamku nolol maalmeedkooda Badanaa eyna ku dabaqin Islaamka ,Wadamo kalena ey uga horeeyaan.

Sida: New Zealand ranked 1st, Luxembourg 2nd, Ireland 3rd, Iceland 4th, Finland 5th, Denmark 6th, Canada 7th., wadamada Muslimka waxaa ugu soo horeyo Malaysia 38th, Kuwait 48th, Bahrain 64th , layaab Sucudia ayaa ah wadanka 131aad ku dhaqanka Nolol maalmeedka.( waa sida uu u arkayay prof. Hussain).

Ganacsade Shiinees ah ayaa yiri: Ganacsatada Muslimiintu wax ey i weeydiistaan in aan badeecada ugu dhajiyo Astaan caalamiya oo been ah “ fake international labels and brands” markaan ku iraahdo wax ila cunana waxa ey leeyihiin Xalaal ma ahan, Badeecada ey iga dalbadeen Xalaal miyaa?

Nin Japan ahaa oo Muslim ahaa ayaa yiri: waxaan u safray wadamada Reer galbeedka waxaan ugu tagay Dad aan Islaam aheyn oo Nolol maalmeedka uu ka muuqdo dhaqanka Islaamku na farayo. Waxaan tagay wadamada Carabta waxaan Arkay Islaam, laakin ma arag Dad Muslim ah, haddii loo fiiriyo wixii Islaamku Farayay ee aan ku tuhmayay. waxaa Alla mahaddii ah in aan Islaamay oo aan Bartay, waxa Islaamku i farayo ka hor intaanan Carabta tagin.

Lord. Bernard Shaw oo ahaa Filasuuf Ingriis ahaa ayaa yiri: “Islam is the best religion and Muslims are the worst followers”. Islamku waa Diinta ugu wanaagsan Diimaha ,laakim Dadka muslimiinta ihi waa kuwa ugu liita ku dhaqankeeda.

Irland waxaa sharci ahaan loo ogolaaday in Gabadha Police-ka ihi ey Xijaab Qaadan karto, waddamada Islaamka Qaarkoodna looma ogolo.

Waagii hore, Somalidu deeqa joogta ah ayey Carabta siin jirtay, Culumadii Somalida ayaa Masaajida ka yaboohi jiray una fatwoon jiray in la caawiyo Carabta baahan, Zekkada la siiyo Carabta waxaa la siin jiray, Xoola nool, Cumto iyo Dahab, Gaar ahaan wadamda Sucuudiga , Yaman, UAE, Ciraaq iyo Kuwait . Weliba culumo Somali ah ayaa loo diri jiray oo kitaabada ka aqriyo Masaajidda waaweyn ee Dalaalka Carabta si ey Diinta fahamkeeda ugu fidiyaan. Islaamku waxa uu nafarayaa in Qofkii wanaag kuu sameeyo, wanaag loogu bedelo.

Sannadkii 1977 Dagaalkii Somalida iyo Ethiopia, waxaa Ethiopia toos ula safnaa wadamo Carab ah. Burburkeenii kadib Doorkee Carabu ka qaadatay, Dib u soo kabashadeena ka waran?, Hadda kala qeyninteena ka waran?. Khlaafka Islaamka ka dhax jiro maanta? Dowlad Islaam ah oo loo kaashanayo Islaam kale in la Dumiyo?

Kuma Dhihin, Carabaa wada Xun, Cajami ayaa wada fiican, ee Isbar bar dhig, waxa Islaamku na farayo in aan Nolol maalmeedkeena ku dabaqano, Mid bulsho iyo Dowladeed, Iyo Sida Islaamka aan ugu soo koobnay tan Qofka iyo Allahiis ka dhexeyso oo aan u hilmaanay, tan Mujtamaca Dhexdiisa ee Islaamku na faray,iyo Sida aan Ummaddaha kale ula dhaqmi leheeyn.

Soonka Allaah ha noo Aqbalo.

F.G: wixii aan ka khalday ka Sax, wixii aan ka tagayna ku dar.

Qore: Yahya Amir