Fadeexad soo wajahday fannaan caan ah oo u dhashay Mareykanka madow

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa siyaabo kala duwan u falaqeeyay fadeexad soo wajahday fannaan caan ka ah dalkaasi, iyadoo loo heysto 11-dacwadood oo la xiriirta galmo caruur da’doodu u dhaxeyso 13 ilaa 16-sano jir.

Fannaankaan oo lagu magacaabo R.Kelly kuna caan baxay heesaha Rabka loo yaqaano ayaa dacwadaha lagu soo oogay waxaa ka mid ah inuu qaaday weeraro culus oo galmada la xariira iyo dacwado kale.

Fannaanka R. Kelly ayaa toddobaadkaan dib loogu soo celiyay maxkamadda si uu isku difaaco, isagoo damiin ahaan bannaanka ku joogay kaddib markii toban sano kahor isla dacwadahaan loogu soo oogay.

Steve Greenberg oo ah wareenka R. Kelly ayaa sheegay in eedeymaha aysan ku saabsaneyd kiis cusub, wuxuuna bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dib loo soo celiyay kiisaskii hore toban sano kahor.

Jibril Maxamud Nur (Jabra)
saxafi37@gmail.com