Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar Internetka lagu faafiyay (Akhriso)

Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo baraarugtay warar lagu faafiyay Internet-ka oo ku saabsan xiriirka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.

Barta Twitter-ka ee Wasaaradda arrimaha dibadda qoraal la soo dhigay ayaa lagu beeniyay warqad ka soo baxday isla wasaaradaasi oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Warqadda oo soo baxday 7dii bishii aynu soo dhaafnay ee May 2019-ka ayay sheegtay Wasaaradda inaysan ka soo bixin taasi oo lagu sheegay in lagu faafiyay baraha bulshada ku xiriirto.

Beeninta soo daahday ee ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u muuqata mid gaabis ka dhigaya howlaha Wasaaradaasi, iyadoo sida muuqata culeys lagu saaray Wasaaradda inay warcad ka soo saarto qoraalkaasi.