Wasiir Walba Haddii Xilka laga Qaado Baranbaro waa ka Jilcan Yahay! {Kibirku waa Kursiga}

Kibir, isla-weyni iyo faan aan xad laheyn ayaa lagu yaqiinay, geesi, halyey Qaran iyo mucjiso ayuu iska dhigi jiray, Wasiir is mahadiyay ayuu ahaa, taleefanka dadka kama qaban jirin, caan waxa uu ku ahaa inuu si jees-jees ah dadka ula hadlo, ma-jecleyn inuu bulshada soo dhex galo, Kali-talis tiisa mooyee aan tu-kale u muuqan ayuu ahaa, ammaanta ayuu aad uga heli jiray, ifka waxa uu u necbaa dadka uu siyaasadda ku matalo!

Muddo kadib Wasiirkii xilka ayaa laga qaaday, wax uu sameeyo ayuu garan waayay, Xamar ayuu ka carraray, Nairobi ayuu miciin biday, dhawr bilood markii uu halkaasi ku negaa ayuu dib ugu soo laabtay Xamar-tii uu ka tagay, laba isbuuc markii uu guriga isku qarinayay ayuu is celin waayay, go’aan waxa uu ku gaaray inuu dadkiisa dhinac ka raaco!

Waa galab ay sii caraabayso Khamiis, waxaa la fadhiyaa mid ka mid ah Hotelada magaalada, koox aan sheeko wadaag- nahay ayaan isla shaahaynay, cabaar markii aan sheekaysanay ayaa ishaydu waxay ku dhacday Wasiirkii khatarta ahaa oo kaligiis fadhiya meel aan sidaasi iiga fogeyn!

La yaab ayay igu noqotay ninkii hareeraha laga socon jirtay inuu galabta kaligiis meel cidlo ah joogo, waa rumaysan waayay, Aniga oo dhawr su’aalood is-weydiinaya ayaa dhagtayda waxa ku soo dhacay Aadankii Salaadda Maqrib.

Hal-haleel ayaan u kacay, markii aan agtiisa marayo ayuu i bar gartay dabadeedna waa uu ii yeeray, intaan u imid ayaan salaamay, salaan kadib waxaan la wadaagay inaan soo Tukan rabo, si ka duwan hab dhaqankii aan ku aqiinay ayuu igula hadlay, wuxuu igu yiri “Adiga oo raali ah haddaan soo wada Tukano ma isku soo laaban karnaa?

Haa ayaan si degan i-iri, anagga oo wada socono ayaa Masjidka u dhaqaaqnay, salaadii kadib waxaan dib ugu laabanay halkii uu Mudanuha fadhiyay, sheeko dheer ayuu iiga sheekeeyay, xusuusta waayihiisii ayuu ila wadaagay, barwaaqadii uu ku jiray waqtigii uu Wasiirka ahaa ayuu iiga warramay, sannaddo kadib sida uu xaalkiisa yahay ayuu ii soo bandhiggay, shalaay inuu ku sugan yahay ayuu si hoose iigu sheegay!

Abaarihii Sagaalkii fiidnimo ku dhawaad ayaa kala tagnay, la yaab ayay igu noqotay isbadalka ninkaan ku dhacay, feker dheer kadib waxaa ii soo baxday “Kibirku inuu yahay Kursiga!!!

WQ: C/Laahi Shiikhaalow