Kenya u sheega, Anniga Dowlad xumidu waa naga bexee Subixii, ee iyaga goormeey kaa bexee=Nasashada Jimcaha. Q-150aad=

1- Lax ayaa Maalin boodbooday, kadibna Dabadeedii ayaa Muuqatay, Ri’ ayaa ku qososhay. Laxdii ayaa ku tiri: War Riyeey Dabadaadu weligeed ayeey muuqan jirtay kugumana Qoslin, Anniga maanta oo kaliya ayaa Dabadeydu muuqatay, ee maxaad iigu Qososhay?. ( F.S: 1 & 2aad)

( Wariye ayaa hal Maalin hadal si Khalada loo soo tabiyay Idaacad ka sii daayay. Mid maalin kasta War been ah loo soo gudbin jiray, ayaa ku eedeeyay, yaab).

2-Nin Sakhraan ah ayaa Habeen soo daba kacay , Gabar Fool xun oo Suuqa ka soo adeegatay, kuna celceliyay, Naa isug Gabryeheey Foosha xun. Markii Dambe ayey ku tiri: War iga har kaagan Sakhraanka ah. waxa uu ku yiri: War Anniga Sakhraan nimada Sakhradeedu “Subuxii” waa iga bexee , ee Adigu goormeed is bedelee?

(Kenya u sheega, Anniga Dowlad xumidu waa naga bexee Subixii, ee iyaga goormeey kaa bexee ………..)

3- Wiil Ciyaalka Xaafadda ah ayaa waxa uu Gurigiisa ku daawanaay Cajal, sheekh wacdinayo oo ka hadlayo qaabka lagu xulan karo Gabadha aad guursaneysid. Sheekhii ayaa yiri: Gabadha waxaad ku xulan kartaa: Diinteeda, Quruxdeeda, Maalkeeda iyo Nasabkeeda.

Wiilkii, ayaa Xaaskiisi oo dhinac fadhiday fiiriyay, Sifooyinkii Sheekhu sheegayay ayuuna ka waayay. Waxooga ayuu fekeray. kadibna ku yiri: Wallaahi, ilaaheey dartiina waa la isaga guursan karaa. ( F.S: 3)

( Xaaskii ayaa ku tiri: Ma maqashay Sheekh yiri: Diinteedu waa “ 1”, haddii lagu daro qurxdeeda oo “ 0” ah waa 10, haddii lagu Daro Maalkeeda oo “ 0” ah waa 100, haddii lagu daro Nasabkeeda oo “ 0 “ ah waa 1000. Haddisee laga tago Diinta oo 1 aheyd, inta kale waa seddex “ 0”. Qiimuhu waa Numbar 1 aad).

4- Iyada oo suuqa ka soo adeegatay oo Garas bintoow (Balcad) u sii socoto oo Laamiga gooynee ayaa koo Qurbaha ka yimid uu la yaabay Quruxdeeda, Damacna ka galay kuna yiri: I am Somali /American from Minnesota , honey, babe, i sug, “waa markii iigu horeysay oo aan arko “Dayax dhulka ku lugeynayo” no more Single father”, in aan ku guursadaan rabaa, oo aan Minnesota ku geeyo.

Waxa ey ku tiri: Miraayad isku fiiri, dhakaaga jilibka ka jeexan, Koofigaaga Qalooco, Jeegadaada Qaab darada u jaran, Dhagta kaa dullsho sida dhidigoowgii. Anna waa markii niigu horeysan ee aan arko “Dameer Laba kugood leh”. ( F.S:4 & 5aad).

( War Shukaansiga halkaa lagama Bilaabee, Intaadan Gabdhaha Reer Balcad Shukaansan, Gal Dugsiga Sare ee Hidaha & dhaqanka ee Garas Bintoow)

5- Laba Nin oo Curyaan ah Sakhraana ah, oo bayskiil ( Bushkaleeti) wada saaran yaa isku qabsaday, Anigaa ku fadhiisanayo Kursiga Daaqada xigu iyo annigaa ku fadhiisanayo.Qir iyo Qir. Kadib markii ey hortooda ka arkeen Cadaw. ( F.S: 6aad)

( Cadaado & Dhuusamareeb, haddiiba ay hortooda Cadaw ka arkeen, maxeey isagu heystaan Kursiga Bayskiilka ee Xiga Daaqadda aan Jirin)

6- Gabar iska huruda ayaa mar kaliya la soo booday “Yaasiin” oo ah wiil ey jecleyd magaciisa. Aabeheed oo mel udhaw jiifay Ayaa intuu aad u xanaaqay ku yiri: Naayaa, yuu yahay “ Yasiin”? Markaa ayeey tiri : “Wal qur’aanil xakimi”.

Aabihii ayaa yiri: Mashaa Allah, Gabadhayda qur’aanka ayey ku qarweysaa.

( War, Sax weeyaan iyo Maashaa Allaah, intaan ku heeyno, armeey madaxdeenu wax kale ku qarwaayaan)

Qore: Yahya Amir