Fadliga Sakaatul Fidriga iyo waqtiga ku haboon bixinteeda (Dhageyso)

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa fadliga sakaatul fidriga uu u leeyahay mu’miniinta sooman bisha barakeysan ee Ramadaan, qaabka loo bixinayo iyo macluumaadyo diini ah oo ku soo arooray.

Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Sakaatul Fidriga iyo xilliga ku haboon in la bixiyo, wuxuuna tilmaamay in qofka bixinaya ay u tahay cafis dembiyadii ka dhacay xilligii uu soonaa.

Shuruudaha kale ee laga doonayo qofka bixinaya sakaatul Fidriga waxaa ka mid ah inuu heysto wax quuto qoyskiisa waxna ka soo haraya ayaa laga doonayaa, iyadoo suurado dhowr ah ay xusayaan sakaatul fidriga iyo tukashada Salaadda Ciida.

Haddaba dad badan ayaan si waafi ah u garaneynin bixinta Sakaatul Fidriga iyo arkaanta ku soo aroortay, waxaana noo sharxaya Sheekh Cabdi Xayi halkaan hoose ka dhageyso: