TURKIGA OO MAANTA CADEEYSAY MOWQIFKEEDA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA:

Wasiirka Arimaha dibada Turkiga Dr. Mevlüt Çavuşoğlu wuxuu yiri “ Wasaaradeena waxay leedahay qayb arimaha Soomaaliya kaliya ka shaqeeeya, kuwasoo inta badan aad ula socda dhibka lala damacsan yahay Soomaaliya dibada iyo gudahaba. Waxaan ognahay In dowlado ay doonayaan In dalka Soomaaliya qayraadkiisa looga faideeyo Kenya iyo Ethopia oo Soomaalidana ayka gaajooto.

Waxaan ognahay In Bada Soomaaliya ay Kenya dooneeyso inay qadato aysan lagayn, taas waxaan u leeyahay hadeey ku kalsoon tahay inay ayada leedahay bada maxaa u diiday inay maxkamada ka war sugto?

Waxaan kula talinay Dowladda Soomaaliya inay wada hadal aysan kala gelin dhulkeeda Kenya, oo laga war sugaa maxkamadda.

Dowladda Emaratiga waxay dhib wayn ku haayso Soomaaliya, ka dib markii ay dhex dhexaad ka noqotay arinaha khaliijka, arintaasna il gaar baan ku haaaynaa.

Anaga Dowlad ahaan ama shacab waxaan ku qasbanahay inaan difaacno walaalaheena Muslimka ee Soomaaliya”

Anigoo ah muwaadin Soomaaliyeed Sheiknor Qassim, Waxaan ugu mahad celinayaa walaalaha Turkiga iyo dowladoodaba garab istaagidda ay u muujiyeen dadka iyo dalka Soomaaliya waqtigaan adag uu ku jiro. Jazakumulaahu Qayr.

Sheiknor Qassim