Odayasha Gobalka Banaadir oo ka shiray Howlaha UN-ka.

Shir ey Magaalada Mogadishu, isagu yimaadeen Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqan ee Beelaha Dego Gobal  Banadir ayey uga wada hadleen Dowrka Jamciyada Quruumuhu ey ku leedahay , Siyaasadda Somalida.

Waxa ey shaki ka muujiyeen in UN eyna u soo magacaabin dhowr billood wakiil u jooga Somalia.  Haddana la maqlayo warar hoose oo sheegaya in Xoghayaha Guud ee Jamciyadad Quruumuhu uu  somaliya u soo wado Amb. James Swan, si uu uga aar gudsado, siddii ey Dowlada somalidu uga jawaabtay Eryidii hore ee Wakiilkiisii, taa oo beesha caalamka iyo Somalidu ey shaki ka muujiyeen.

Waxa ey yiraahdeedeen odayaashu waqtigaa Somaliya ma joogto waqti dib loo celiyo, loona soo magacaabo Qof loogu tala galay in uu Dib u dhac ka shaqeeyo.  iyada oo horeba UN shaki laga qabay ayaa haddana waxaa muuqato, in Maamul gobaleedyada iyo dowladaba  UN ey u isticmaali doonto ,nin rabo in uu burburiyo.

Taasi waxa ey sii dili doontaa Sumcadda UN ey ku leheyd Somalia, Odayssha ayaa sheegay in ey ka fiirsan doonaan, wada shaqeynta UN.