Carabi Mise Cajami?= Raggaan 20-ka ah,ku maad ka taqaan?Midkoodna Carab ma ahan.(Cashar muhum ah)

Haka Caajisin Aqriska, Aniguba kama Caajisin Qoraalka.

Dad Badan ayaa marka ey maqlaan Islaamka waxaa ku soo dhacayo Carab, taasi waa khalad weyn. Dadka Islaamka Fidiyayna, Badankoodu Carab ma eheyn.

Dadka caanka ku ahaa fidinta Islaamka iyo Culuumta kale ee aad maqashay ma aheyn Carab Sida: .

1- Ibnu Sina, oo ahaa dhakhtar iyo Filosuuf, Qorayna in ka badan 200 Kitaab oo Cilmi ahaa, waxa uu ahaa Faarisi ka yimid Usbakistaan.

2- Abaas ibnu Firnaas, Ninkii ku caanka ahaa Cilmiga Handasada, Cabirka dhulka & Qoraxda, Ninkii ugu horeeyay ee ku fekeray in loo duulo hawada Sare, waxa uu ahaa Amasiiq ka yimid Spain.

3- Ibnu Batuuta , Sahamiyihii weynaa ee ka yimid Dalka Marooko, Carab ma aheyn waxa uu ahaa, Amasiiqi ka yimid magaalada Luwat,

4- Al Farab, waxa uu ahaa Filasuuf ka yimid magaalada Farab ee Turkisman waxa uu ahaa nin Turki ah.

5-Bukhari oo ahaa Ninkii soo wariyay Axaadiithta badan, waxa uu ahaa Faarisi ka yimid magaalada Bukharest ee Usbakistan.

6-Muslim oo isna soo wariyay Axaadith badan waxa uu ka yimid Magaalada Misabur, waxa uu ahaa Iraani.

7-Abuu Daauud , Saaxibu Sunan waxa uu ahaa Afganistani.

8- Nisaai, waxa uu ahaa Turkuman ka yimid magaalada Cishqa ibaad.

9-Tarmudi, waxa uu ahaa Faarisi ka yimid magaalada Tarmud ee Usbakistan.

10-Ibnu Maaja, waxa uu ahaa Faarisi ka yimid , Magaalada Qiswini.

11-Sibaweye, Caalimkii ugu Aqoonta badnaa Luqada Carabiga waxa uu ahaa Faarisi.

12-Abubakar Raas, Taariikhda caalamkii hore Dhakhtarkii looga dambeeyay Cilmiga Daawada wuxuu ahaa Faarisi.

13- Salaaxu diin Al Ayuubi, Ninkii xureeyay Qudus wuxuu ahaa Kurdi.

14- Moxamed Al faatix, Ninkii Xureyay Istambuul 8 Qarni kadib ,wuxuu ahaa Turki. Wuxuu ka rumeeyay hadaalkii Rasuulka CSW ee ahaa: Waa la furan doonaa Istambuul, Amiir-na waxaa ugu khayr badan Amiirka Furto, Ciidanna waxaa ugu khayr badan ciidankiisa, taa oo dhacday Qarniyaal Kadib.

15-Maxamud Mamduud Seyfudiin, oo hogaaminayay Dagaalkii Ceynu Jaaluuti, ee lagu Jabiyay Tataarki, waxa uu ka yimid Magaalada Khawarisami, waxa uu ahaa Mamluuki.

16- Ismail Al Jazari, Engineer Xisaabadka Caan ku ahaa , waxa uu ahaa Turkey.

17- Taariq Bin Siyaad ( Taariq bin Indulus) Ninkii Islaamka geeyay Yurub ee Qabsaday Dalka Spain, waxa uu ahaa Amasuuqi ku dhashay Dalka Al jeeriya.

18-Muhammad ibn Musa al-Khwarizmi, oo horuumariyay culuunta Xisaabta, Joqoraafiga iyo cilmiga Xidigaha , waxa uu ahaa Persian.

19-Abu Ja’far Muhammad ibn Musa Al-Khwarizmi, waxa uu horuumaryay Culuunta xisaabta, waxa uu ahaa Persian.

20- Duulaankii Burtaqiiska ee Kacbada waxaa dhiciseeyay Axmed gurey, oo la dagaalamay 400 Asgari kuwaa oo uu kaashan rabay Ethiopia in ey u sii maraanillaa Kacbada ey ka gaarayaan, kuna dilay Vasko D’ Gama. Jaziiradaha Maldives ee u dhexeeya Hindia iyo Somaliya waxaa Diinta gaarsiiyay Sheikh Somali ahaa oo ka tirsanaa Boqortooyadii Ujuuraanka. waxaa la yiraa Dalaka Indonesia waxaa Diinta gaarsiiyay Nin Sudaani ahaa, Cirifyada Caalamkana kuwa Islaamka Gaarsiiyay Carabu waa ku yareed..

21- Waxa kale oo jira Rag badan oo caan ku ahaa fidinta Diinta Islaamka oo aan Carab aheyn sida: Imaan gazaali, Abii Isxaaq shiirasi, Ibnu rushdi, Qurdubi, fayruus Aabaadi ( qamuus Al muxiid), Ibnu Maajah, Abii Xaniifa nucmaan ( mad-habta Xanafiya). Juweyni oo ahaa ( shiikhii gazaali).

Carab iyo Cajami kii aad Doonto noqo, Diinta ku dhaqankeeda iyo Fidinteedu waa waajib ku saaran, Diintana Ha ku haleyn Carab kaliya!!!!. waxaa kale oo jira Haween badan oo Muslimiin ahaa oo Fidinta Diinta islaamka iyo Culuumta kale qeyb ka qaatay “ waan soo qori Doonaa Inshaa a Allah”..

FG: Wixii aan ka khalday ka sax, wixii aan ka tagayna ku dar.

Qore: Yahya Amir