Madaxweyne Waare oo kala diray Xubnaha Hay’adaha Garsoorka Gobolka Hiiraan.

Mdaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray Wareegto uu ku kala diray Xubnaha Hay’adaha Garsoorka Gobolkaasi.

Wareegtada ayaa lagu sheegay,kadib markii Madaxweyne Waare uu arkay Go’aanka Guddiga Cadaaladda ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo soo jeedin ka timid Wasiirka Cadaaladda Hir-Shabbelle in uu kala diray Xubnaha Garsoorka Gobolka Hiiraan.

Waxaa kaloo Wareegtada lagu sheegay in Madaxweyne Waare uu dhawaan soo Magacaabi doono Garoosrka Gobolka Hiiraan,iyada oo la marayo habka Sharciga.

Halkaan ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Hir-Shabeelle:-