Faah faahino ka soo baxaya Qaraxyo Ciidamo Milateri ah lagula eegtay duleedka Deg. Balcad.

Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan duleedka Degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay qaraxyo xoogan ay ka dhaceen.

Qaraxyada waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo socdaal ku marayay deegaano ka tirsan Duleedka Balcad,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa uu haleelay Gaari nooca dagaalka uu la socday Sarkaal lagu Magacaabo Cali xuubey oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda,waxaana qaraxu ku qabsaday xili uu marayay Tuulo ku taalla inta u dhexeeya Haansheekh iyo Ceel Geelow,iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday qaraxaas,halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray,waxaana dhaawac ahaa loogu soo qaaday Degmada Balcad.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku daraayan in qarax kale lala eegtay Ciidamo oo gurmad ahaan ugu socday Taliye Cali xuubey,waxaana lagula eegtay Tuulada Gololeey, wallo wax khasaaro uusan ka dhalan.

Cali xuubey oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda iyo Ciidamada ilaalada u ahaa ayaa kusoo jeeday dhinaca deegaanka Qalimow,halkaasi oo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamadav dowladda.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay uga hadlayaan qaraxii saakay ka dhacay duleedka degmadaas.