Haweeneydii ugu Horeysay oo Noqonaysa Duqa Magaalada Balad-weyne.!!!

Waa haweeneey dadaal badan oo qurbaha ka timid, saaxiib dhaw waxay la aheyd qeybaha kala duwan ee bulshada, magaceeda waxaa si baahsan loo bartay xilligii ay Guddoomiyaha ka aheyd Degmada Shibis, dhawr toddobaad ka hor ayay banneysay xilkii ay ka haysay Degmadaasi, kadib markii laga qaaday.

Nasiib wanaag muddo dheer ma-aysan Baaga-muundeyn, laba bil ka yar ayay ku guuleysatay inay hesho xil ka mug-weyn laakiin ka macno yar midkii ay horey u haysay, waa qof iyo ayaankiisee, Wareegto maanta ka soo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeele ayaa gabadhaasi loogu magaacabay inay noqoto Duqa magaalada Baladweyne.

Sida ku cad wareegtadaasi Safiya Xasan Shiilkh Cali Jimcaale waxa ay xilkii Duqa magaalada Baladweyne kala wareegi doontaa Khadar Xasan Afrax oo xilkaasi laga qaaday, xubno badan oo ka tirsan tagaeerayaasheeda ayaa soo dhaweeyay xilkaasi loo magaacabay, waxayna u rajeeyeen in uu Alle la garab galo!