Furuq hadow yimaado Juxuun ayaa keenaya!!!

Galabtii marka odayaashu isagu yimaadiin Geedka,(F.S:1aad), waxaan Ka maqli jiray Laba maahmaahyo, oo Kala ahaa:

1- (Misaaru Geed ma gooyso ee Geed kaleey Ku gooysaa), oo ah Birta kaligeed wax ma gooyn karto, ee Geedka Ku daaban ayey u kaashatay.(F.S:2aad)

2- ( Furuq hadow yimaado Juxuun ayaa keenaya), oo ah: Furuq waa cudur xun oo Dadku isku qabadsiiyaan, Juxuuna waa koo Howl laawe ah, oo mar kasta aado, Reeraha kale ee Sab, Xus, ama moowtakaal qabo si uu Cunta uga Soo helo. Markii uu yimaadna waxa uu wadaa, Cudur, Colaad ama wax la dhibsado oo uu Reerahaa Ka keenay.

a) Hadda waxaa Jiro Juxuun Magaalo, waxaa jirto Oraah Carbeed oo leh: Dameerada Bulshada ayaa looga faa’iideystaa, si Xukunka lagu gaaro, loona dhaco hantida ummadda.(F.S: 3aad)

b) Oraah kale oo Carbeed ayaa leh: Cadawgu Caloosheena ( gudaheena) Soo ma gaareen hadduuna heeysan taageerada Dameeradeena).

Alloow Juxuun na mooti.

FG: waa Maahmaah & Oraah guud, ha qofeeyn hana siyaasadeed.

Qore: Yahya Amir.