Khatar Cadiim!!!. =Warbixin dheer=

Qoraalka Ka Soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia, ee Muujinayo map-ka qaaradda Africa oo ey aqoonsantahay in eynan Ku jirin Somalia.

Ethiopia iskama Soo qarin Map-kan, waxa ey heysataa ogolaasgo, hore Ethiopia waxa ey sheegtay in Dekado Somaliya Ku yaal la siiyay, annagu kama hadal, waxa ey sheegtay in Shirkii dhawaa ee seddex geesoodka ahaa looga hadlay Arrimaha Badda Somalia, annagu kama hadal. Hadda waxa ey sheegtay in Somaliya ey tahay qeyb Ka mid ah Ethiopia, annagu kama hadal.

Haddii Ethiopia aan kula heshiinay in uu Naga dhexeeyo Xiriir “Confederation ah”, taasi waxa ey Ku ansixi kartaa oo kaliya, afti Dadweyne iyo Dastuurka oo wax laga bedelo, mana dhicin. Maxumo haddii annaga oo ah Laba Dowladood oo siman uu na dhax marayo heshiis laga wada faa’iideysanayo.

Dabcan Ethiopia waxa ey heysataa qiil ( saxiix), waxaa kale oo Ka muuqato in cidda u saxiixay ey qireeyso in eynan Somali land wakiil Ka aheyn, ama in Somali land ey diiday confederation-ka, ama Dowlada carbeed ey yiraahdeen Somali land annaga noo dhaafa, waa
noo maxmiyad difaac badeed iyo saldhigyo ciidan.

In kasta oo UN ,EU, AU iyo Jaamacadda Carabtu ey weli qabaan in Madaxbanaanida dhuleed ee Somaliya in ey lama taabtaan tahay ( Muqadas ) haddana haddii aad Adigu ogolaato waa khatar, Fekerkaa la midoowga Ethiopia beryahanba waa la maqlayay, waxaa Suuqa Ku jirtay in Amb.Yamamoto uu gadaal Ka riixayo lagumase cadeyn Karo.

Ethiopia hore ayey ugu dadaashay in Maamul gobaleedyada ey jajuubto, sida k/galberd, juba land u handado, galmudug ciidamadeeda ayaaba joogo, punt land dadkeeda qaxootiga ah, Hirshabelle horeyba ugu dacayeysneed, Guud ahaan dalkana Jawaasiis Dilal iyo docwareen Ka shaqeeyo ayaa u joogo Ethiopia.

Waxaan si deg deg ah Jawaab uga rabnaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliya iyo in Baarlamaanka uu codsada in la hor keeno heshiiskaa haddii uu jiro.

Dadweynaha iyo ururada Bulshada oo Soo bandhiga arrgtidooda, in la baadi goobo xaqiiqda arrintaan.

Anigu qof ahaan arrigtidaan looga saarayo Somaliya Map-ka Africa waxaan uga Soo horjeedaa si toos ah.

haddii aan war aan Ku qanciyo Ka waayo Somaliya illa Adis ayaan tagayaa si aan u ogaado (khatar kale oo nafeed). Bal aan wax hubsano.

FG: Ogoow, Dalku waa Naga wada dhexeeyaa, arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii aan Ka khaldan Ka sax.

Qore: Yahya Amir