Itoobiya oo ka hadashay Qariiradada Afrika oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray oo ay iyagu faafiyeen.

Muqdisho:-Dowladda Itoobiya ayaa war ka soo saartay sawirka khariiradda Afrika oo si khaldan loo dhigay, laguna baahiyay website-ka wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya.

Baraha bulshada ayaa aad loogu baahiyay sawirka khariidada ah, iyadoona shacabka Soomaaliyeed ay arintaasi aad ugu xumaadeen, inkastoo xalay dowladda Itoobiya ay arintaasi war ka soo saartay.

Wasaaradda waxay sheegtay in si khaldan oo aan la aqbali karin barteeda Internetka loogu daabacay sawirka Qariiradda Afrika oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray.

“Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu warkeeda ku soo gabagabeysay.

Dhanka kale Aqoonyahadana Soomaliyeed ee baraha Internetka wax ku qora iyo kuwa sida tooska ah warbaahinta u la hadla waxayna sheegeen in lo baahanyahay in arintan ay ka hadasho dowladda Soomaaliya.