Duqayn lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo ka dhacday Degmada Jilib.

Muqdisho:-Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen xarumo muhiim ah Al-Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay sarkaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab iyo ilaaladiisa.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegey Maxamed Nuur, waxaana la tilmaamay in sarkaalkan uu ahaa Hogaamiyaha guud ee amniga Al-Shabaab, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland.

Deegaanada la duqeeyey ayaa la sheegey inuu ka mid ahaa suuqa degmada Jilib, waxaana lagu soo waramayaa inay jiraan burbur guryo ah,inkastoo aan la sheegin in weerarkaasi ay dad shacab ah wax ku noqdeen.

Waxaa ilaa iyo hada la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacay degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe.

Dhanka kale Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin Degmooyinka Ka tirsan gobalka jubbada Dhexe.