Dowladaha xubnaha ka ah Ururka mIdowga Europe EU oo cusbooneysiiyey Taageeradooda Nabadda Geeska Afrika.

Dowladaha xubnaha ka ah Ururka mIdowga Europe ee EU-da ayaa cusbooneysiiyey Taageeradooda ku aadan Nabadda Geeska Afrika, xilli ay Ciiddanka Nabad-ilaaliyayaasha ku sugan Somalia la halgamayaan dhimis lagu sameeyey Kharajkii maalgelinta.

Farriinta ay EU-da ku sheegen inay taageerayaan Nabadda Somalia ayaa soo baxday, kadib, markii ay Madaxa Arrimaha Dibedda iyo Ammaanka Siyaasadda ee EU-da , Fedrica Mogherini ay dhawaan booqasho ku soo kala bixisay dalalka Somalia, Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, lana soo kulantay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya iyo Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed.

Booqashadeeda ayaa timid, xilli ay weli sii socoto Xiisadda Diplomaasiyadeed ee ka dhex aloosan dalalka Somalia iyo Kenya oo isku haysta muranka xuduud-baddeedka.

Madaxa Arrimaha Dibedda iyo Ammaanka Siyaasadda ee EU-da , Fedrica Mogherini waxay sheegtay inay Madaxdaasi kala soo xaajootay Nabadda Gobalka, Arrimaha Ammanaka iyo La-shaqeynta EU-da ee dalalka Somalia, South Sudan, Kongada Dimuqraadiga (DRC) iyo Taageerida DFS ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Muddadii ay joogtay Somalia waxay soo booqatay Hawlgalka Tababarka EU-da ee Somalia, Hawlgalka EU-da ee Dhismaha Awoodda ee Somalia iyo Ciiddanka DFS.

Midowga Europe waxa uu weli ka mid yahay Deeq-bixiyayaasha ugu waa weyn ee taageeradda la garab taagan Somalia.

Sannadkii 2017-kii, Midowga Europe waxay u ballan qaadeen Dowladaha xubnaha ka ah DFS inay ku maalgelin doonaan lacag dhan 1.03 Billion oo Dollar, taasi oo ka dhigaysa wadarta guud ee Taageeradda Somalia ilaa 4.5 Billion oo Dollar tan iyo inta laga gaarayo sannadka soo socda ee 2020-ka.

Deeqahaasi waxaa ku jira Mushaaraadka la siiyo Ciiddanka AMISOM, Boliska DFS, Horumarinta Kaalmadda iyo 596 million oo Dollar oo loogu talagalay Taageeradda Hawlaha Samafalka Aadminimadda oo kaliye, taasi oo wax looga qbaanayo waxyeellooyinka laga argagaxo ee Abaaraha ka dhaca Somalia.