Ubax Iyo Kob, kala dooro kii laguugu garaaci lahaa.

Mr. Winston Churchill oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii Dalka Ingiriiska waqtigii Dagaalkii 2aad ee Aduunka 1940-1945 una horseeday Ingiriska Guushii Dagaalka, kadibna xilkaa qabtay 1951-1955. Ahaana Siyaasi Hadalkiisu uu Aduunka caan ku noqday.

Mr. Winston Churchill ayaa yiri: Haddii aad dooneyso in aad wax ka ogaato Shacab Dunidan ku nool, kii uu doono ha noqdee. Waxaad fiirisaa oo kaliya Baalamaankooda iyo Cidda ku mataleysa ( Xildhibaanada). Kadib ayaad kala ogaanee , waa kuma Shacabka mudan in Ubax lagu dul daadiyo, ama in Kabo lagu garaaco. “Waxa uu uga jeeda Xulashadoodu Saameynta ey mustaqbalka ku yeelan karto Isla Shacabkii Xildhibaanada soo xulatay”. ( F.S: 1aad)

Haddii aad fiirisay Baarlamaanka 10aad ee Somaliya ee aan soo xulanay ma waxaan nahay Shacab mudan in Ubax lagu dul daadiyo mise Shacab mudan in Kabo lagu garaaco.

Sideed u aragtaa haddii la soo saaro Sharci Qorayo , Qof kasta oo Xubin ka Noqday Baarlamaankii 10aad ee Somaliya Dib looma soo dooran karo?, Kii soo Xulayana ,Xaajo Akhyaareed iyo Xil Bulsho waa ka mamnuuc ( F.S: 2aad).

Iga Raali ahaaw haddii aad xubin ka tahay Baarlamaanka 10aad ama aad soo xushay, waa soo jeedin kaliya…….. ha ka nixin, hana i habaarin….Shaqfir……kkkkkkkk..

Ogowna waxa uu ka hadlayo ma ahan xildhibaanada ee waa shacabka soo xulay ama ogolaaday in ey mtelaan.

Arragtidaada Xur, wixii aan ka khalday ka sax

Qore: Yahya Amir