Somaliya, Mucaarad iyo Muxaafad wada Eber ah, Eberta yaa ku sii horeeyo?=Nasashada Jimcaha.Q-149aad=.

1- Nin 90 Sanno jir ah ayaa u yimid Nin Sheikh ah, Kuna yiri: Sheekoow waxaan maqlay, qofkii Xanuunsan ama Safar ah in uu dib u soomi karo maalma kale ( Ayaamun Ukhara). Haddii uu ku suganyahay Xaalad uuna sii wadi Karin soomka ,waa in uu “Kafaara gudaa” oo uu quudiyaa Miskiin( Idcaamu Miskiin), ama uu xureeyaa Adoon ( Taxriiru Raqabatin). Anigu hadda maxaan sameyaa Sheekhoow, waxaan ahay 90 jir aan weligii soomin. ?.

Sheekhii ayaa si caro leh ku yiri: Horta adiga weligaa Alle kuma siiyo caafimaad, haddiiba 90 sanno oo aad caafimaad qabaty aadan soomin. Si aad u kafaara gudo soomkii kaa tagay, waa soo celin kartaa.

waxaad soomee Laba Qarni (200 Sanno)oo xiriir ah. ( qarneyni mutataabaceyni) Waxaad quudinee Dadka Shiinaha ( fayadcaamu miskiinan), waxaadna xureynee Reer Falastiin ( Taxriiru raqabatin).( F.S: 1aad).

( Xujo Badanaa!!!!!, Sheekhaanu ma IMF ayuu u sameyn Jiray shuruudaha Deyn Cafiska)

2-Sh. Cabdiladiif Guuleed “Abuu Sahra”, oo Xaasle ah ayaa Carabta ka soo iibsaday Kitaab Cinwaankisu yahay “Fadlu tacadudu nisaa’a” ( Faa’iidada Dumarka badan ee la guursadao iyo fadliga ey leedahay) . Subaxdii ayuu Miiska Quraacda ku dul hilmaamay, kadibna shaqo ayuu aaday.

Duhurkii markii uu shaqada ka soo noqday ayuu u yimid Kitaabkii oo halkiisii yaal, Laakin Mindiyi ayaa dul saaran, Jalamad Biya kulul ku jiraana ey dhinac taal. Waxa uuna ogaaday in waxa Buuga ku qoran iyo waxa dumarka ku qoran in eyna is leheeyn.( F.S: 2 & 3aad)

( Dowlada Somaalidu ma Ogaatay in waxa ku qoran heshiisyada Kenyaanka lala galo iyo kenyaanku ey kala duwan yihiin?).

3- Aabe ayaa wiilkiisii weeydiiyay: Maandhoow, Maanta Imtixaanka “Taariikhdu” siduu ahaa?, si fiican ma uga jawaabatay? Wiilkii ayaa yiri: Maya Aabe. Aabihii ayaa ku yiri: oo maxaa dhacay? . Wiilkii ayaa ku yiri: Imtixaanka Kuligiiba waxa uu ahaa wax intii aanan dhalan dhacay.

Waxa ey i weeydiiyeen: Abii lahab, Dagaaladii Asaxaabta kee ugu dambeeyay, Somaliya Sannadkeey Xuroowday? SYL Xafiisyadoodii, Sayid Maxamed goormuu dhasahay, Axmad Gurey xaguu ku dhintay.

Meey na weydiiyaan, Taariikhda: Qaraxii Zoobe, markii aan xaafadda ka soo qaxnay? Sidda walaalkeey uu u tahriibay. Maamul Gobaleedyada Hooyadood maxaa la dhahaa? Sicirka Duub dhaqameedka, Marka ey na weeydiinayaan Su’aalo Dhalasha-deydiiba ka horeeyay.

( Su’aalihii ayaa la weydiiyay, Xildhibaan Cali oo Lodon ka yimid, waxa uuna yiri: shit, never heard Somali History).

4- Gabar aamin saneeyd in ey Hooyadeed ka caqli badan tahay. ayaa ku tiri: Hooyo Su’aal Xisaab ah ma ku weydiin karaa? Hooyadii ayaa ku tiri: Haa. Gabadhii ayaa weeydiisay: Hooyo Macaan, Adiga oo 9 Xabo oo Moos ah heeysto, haddii aad wada Cunto 9 kiiba, maxaa kuu soo harayo? Hooyadii oo Xoogaa u fekertay ayaa ku tiri: 9 Qob Moos ayaa ii harayee, Ari carbeedka u geey.

Hooyadii ayaa tiri: Anna aan ku weeydiiyee, Xalay 2 saac oo xiriir ah ayaad Hal ruux Telefonka ku la hadleeysay ee kumuu ahaa? Maya ,Hooyo waxa uu ahaa Numbar soo qaldamay? . Hooyadii ayaa ku tiri: Su’aashii waad ku dhacaday, ee adigu Qob Moos ha noqon. ( F.S: 4 & 5aad)

( Adoo Fuluus doon ah, Fariinna laguu soo dhiibay, Inta Face Book, Dad waalidkaa la fil ah ku faduuli maagto, Qob Moos ha noqon)

5-Nin Reer Gaalkacyo ah ayaa soo galay Garoon ey ku Ciyaarayeen Laba Kooxood oo Mid ey u ciyaareyso Dowlada Hoose ee Gaalkacyo.

Dadkii Ciyaarta daawanayay ayuu weeydiiyay Meeqo Gool ayaa la kala leeyahay. Waxaa lagu yiri: Ciyaartu waa 0:0 , Markaa ayuu sii weydiiyay Eberta lafteeda yaa ku sii horeeya , soow kooxdeena ma ahan. ( F.S: 6aad)

( Somaliya, Mucaarad iyo Muxaafad wada Eber ah, Eberta yaa ku sii horeeyo)

6- Wiil Iyo Gabar ayaa is Guursaday, Habeenkii Arooska markii Dadkii ka wada tageen, Xataa Ugas Ciise oo Minxiiskii ahaa oo ugu Dambeeyay uu ka tagay.

Kadib ayaa Labadii Aroos Midba meeshiisii ka soo kici waayay oo waa la kala Cabsaday. Wiilkii ayaa fekeray oo inta uu soo weeysa qaatay ayuu Laba Rakco oo Sunna ah Tukaday, Kadibna Sariirta ayuu tagay, markaa ayuu Duco Bilaabay isaga oo kor u qeylinayo si xaaskiisu ey u maqasho oo leh: Allahayoow, Labadaa Rakco iga aqbal, Allahayoow Xaaskeeyga inta aad soo Qaadid korka ii saar.

Gabadhii ayaa inta aayar u soo dhaqaaqday sida qof hawada ku socdo, iyada oo Socodka Ciribsaneyso, Kulahaa: ” Ilaahayoow Xaggaad ii Waddaa. ( F.S: 7aad).

(Waan yaabnaye, Somaliya, Madaxdu ma iyadaa is wado, mise waa la wadaa?)

FG: Soo daahidda ka raali ahaada, Caawa Subac soon ayaan jiray.

Qore: Yahya Amir