Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Somaliland iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Shakuur oo Nairobi Ku Kulmay

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa uu kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo ku sugan halkaasi.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Feysal Cali Waraabe,isla markaana waxaa looga hadlay arrimo kala duwan.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo arrimo kale oo labada dhinac qaas u ahaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir kuna sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa halkaas ka wada kulamo uu la yeelanayo Madax kala duwan ee ku sugan Nairobi.