Jawaabtii Madaxweyna yaasha ee Arrinta Kenya.

Wariye ka tirsan Idaacada Dalsan, Md. Cadaawe Carab Nuur Iftiinshe, oo diyaarinayay Barnaajka “Taaladii Reer Talla Xume”. ayaa 8 Madaxweyne oo Somali ah, weeydiiyay hal su’aal oo isku mid ah.

Halloow halloow. Md. Madaxweyne. Kenya ayaa dhib nagu heeyso, maxaa xal ah?.

1-Banadir land : Kenya Haddii eyna dhibka naga dhaafeeyn walba hanaga yareyso,

2-Juba land: Eega dhibka waan kula arkaa, laakin annigu hadli ma karo ee Adigu ii hadal.

3-Hirshabeele: Kenya maba noo dhawo ee maxaa noo keenay.

4-Somali land: war markii ey na ictiraaftay miyaad leedihiin dhibaa jiraa.

5-Punt land: Waa maxay dulmigu, Dekadda Boosaaso miyey sheeganeysaa.

6-Koofur galbeed: Horta maxaa la isku heeystaa, ii sheegbo.

7-Galmudug: Kenya Haddii ey Naga Dhaafi Weydo Dhibaatada, Ciidda Nairobi ayaan ku tukaneynaa, Inshaa a Allah, Laakin Hadda Cimro ayaan u socdaa, Adinka lee waaye.

8-: Federal land: dhamaan Talooyinkiina waa tixgalin doonaa.waxna waan ka qaban doonaa 2021 haddaan doorshada ku guuleysano.

Adiguna Akhristoow, maxaad dhihi leheyd?

Qore: Yahya Amir