Allaah ma Aqbalo wax aan Dayib aheyn.

اناالله طيب لا يقبل الا طيب

Rasuulkeenii Muxamed ee Runta badnaa CSW waxa uu na yiri: ina Allaha Dayib walaa yaqbalo illaa Dayib. ( Allaah waa Dayib, mana Aqbalo waxaan Dayib aheyb).

Qof ayaa Sannad kasta Xajka aado, waxa uuna ogyahay Lacagta uu ku xajinayo in eynan waxaagsaneyn halka ey ka soo gashay iyo in eynana aheeyn Hanti Dayib ah.( F.S: 1aad)

Masjidaka aad ku dhisto malagaa Aqbalaa?, haddii aad ogtahay in eyna Dayib ahey, Allana uuna aqbalin wax aan dayb ahey.

Haku khaldamin, sida Aduunka loo xisaabtamo sida “Money laundering”, lacagta la dhaqo ma ahan in Biyo lagu dhaqayo.( F.S: 2aad) waa lacagaha si khaladan lagu kasbo oo aan Bangiyada toos loo geeyn Karin, adiga oo ka baqayo in lagu yiraa waa lacag Argagixiso, Lacag Daroogo, Laaluush shirkado ku siiyeen iwm. Lacagtaa oo la galyo Ganacsi ama dhul lagu gado, kadibna lasii gado oo Bangiga lagu wareejiyo marka Raadkeedu dhumo (F.S: 3aad). Ogoow oo haadana oggow, Alaah raad kama dhumo, Aakhirana waa lagu weeydiinaa (Min eyna Laka Haadaa( inteed ka keentay)

Cadkii Xaaraan kugu galo, Mindi Naareed ayaa lagaaga Jaraa. Caruurtaada ha ku korin, wax xaaraan ah, guriga aad ku dhisto Dhagxa xaaraan aad ku tacabtay waa la mid, Sadaqada Xaaraanta ah ogoow waxa ey galee qaabka in eynan Dayib aheyn asalkeedu, Allana kaama Aqbalayo wax aan Dayib ahey.

Waqti Xun ayaa lagu jiraa, ee ha la isku badnaado, hala dadaalo, Aduunyo waa waqti gaaban,Naf iyo sheeydaan yeenan kugu hagin Xoolo aan Dayib aheeyn, is xisaabi intii aan lagu xisaabin.

Ogoow Risqiga Alle kusiiyay ma ahan Hanti iyo cunto oo kaliya, in aad Islaam tahay waa Risqi, Guur wanaagsan, Cilmi, Owlaad saalaxa, Caafimaad Iwm.

Waa iga talo: Xasuusnaaw Xadiithkaas.

FG: wixii iga khaldan iga sax , wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir